daajis.com:-Qoys kasta waxa uu ka kooban yahay laba tiir oo ah kuwa uu ku taagan
yahay. Kaas oo haddii mid liico dheeli ku imaan doono hab usocodka
nololeed ee qoyskaasi. Labadaa tiir waa ninka iyo gabadha ama aabbaha
iyo hooyada.
Sidaa awgeed aabbuhu waa tiirka koowad ee aas’aaska guriga, waa
hoggaamiyaha qoyska ee la rabo in uu si wanaagsan u maamulo qoyska iyo
dhammaan cid kasta oo uu masuul ka yahay. Kuwaas oo ay ugu horreeyaan
marwadiisa iyo ubadka uudhalay. Isaga oo Ilaahay inoo caddaynayana waxa
uu yidhi: “Raggu waa hoggaanka dumarka” (Ayadda 34 Suurat al-nisaa)
Haddaba waxan dhamman ragga Somaaliyeed hadiyad uga dhigayaa sagaal(
9) tallaabo ama talo oo haddii uu ninku isku dayo in uu sameeyo, u suuro
galinaya in uu hantiyo qalbiga ooridiisa kuna nooladaan nolosha ta ugu
qimaha badan, ee leh guul iyo farxad dhamaystiran.
1. Alle ka cabsi: Cabsida Ilahay iyo ku xidhnaan-shihiisu waa furaha
koowad ee qofka gaadhsiiya badhaadhaha adduun iyo ka aakhiraba . Sidaasi
daraadeed gurigaaga adduunyo oo ad saldhigiisa koowad ka dhigto, kuna
bilawdo cabsida Alle waxa ay keenaysaa in aad si fudud ugu nolaato
adduunyada, dhibaatadeedana ka samata baxdo sida uu Ilaahay Qur’aanka
inoogu caddeeyay Ilaahay wuxu yidhi. “qofka gurigiisa ku bilaaba cabsida
Ilaahay iyo raali ahaanshihisa ayaa ka khayr badan ka ku bilaaba
gurigisa wax baaba aya oo dumaya sababna u noqonaya inuu ku hoobto narto
Naata” (Ayadda 109 Suurat Al-Baqara)
Sidoo kale Alle ka cabsigu waa sahayda kaliya ee aad leday, taas oo
aad kaga bixi karto dhibaatada addunyo iyo cidhiidhiga aakhiro. Sidaa
daraadeed waxa haboon in uu ninku aragti dheer u lahaado naftiisa iyo
dhamman qoyska uu masuulka ka yahay kuna baraarujiyo mar walaba
cibaadada, Ilaahay xuskeeda iyo gudashadeedaba.
2. Dulqaad: Dulqaadkuu waa udub dhexaadka isku haya lamaanaha iyo
dhammaan qoyska. Waa qodobka ugu mihiimsan ee aad kaga bixi karto
jaranjarada qoyska waanagsan loo maro. Waxaa hubaala marwadaada inaanad
kawada helin sida aad doonayso inay kuula waddo hawsha iyo horumarka.
Sidaa awgeed waxa lagaa rabaa in aad u dulqaadato marwadaada kuna
illawdo qaladkeeda waxa ka badan ee ay hagaajiso. Sida uu Rasuulku
N.N.K.H inoo sheegay dumarka waxa laga sameeyay feedh qaloocda, haddaad
is tidhaa toosi waad kala jabin kala jabkeduna waa inad furto. Si
kastaba ha ahaate isku day inaad badiso dulqaadka marwalaba si aad uga
midho dhalliso guusha mustaqbalkina
3. Dhaqan wanaag: In aad xaaska kula dhaqanto dhaqan wanaagsan waa sida lagaa rabo ee uu kufaray Ilaahay S.W.T
Dhaqanka wanaagsan ee lagaa rabo waxa ka mid ah:
* In aad xaaskaga u fuliso xaqa ay kugu leedahay oo ay ugu horreeyaan meherkeeda iyo biilkeedu.
* In aad ka ilaaliso hadalada qalafsan ee abuuri kara nacaybka.
* Iyo in aanad xaaskaaga ka waji dadbin cidkalena ka door bidin.
* Waxaa muhiima marka aad rabto in aad guursato amaba haddaad xaas
leedahay in lagaa rabo, xaasaskaaga in aad u is taagto meeshii ay
waalidkeed ugu jireen maxaa yeelay? Xumaan umay quudhayn wanaag iyo
sharaf ayay kula noolayd. Adna taa iyo mid ka ballaadhan ayaa laga rabaa
madaama aad masuuliyadeeda dusha ku qaadatay adigu. Hadaba si aad
xaaskaga wanaag ugashato qalbigeeda waxa wanagsan inaad u noqoto sidan
oo kale:
* U muuji naxariista aabbo oo kale
* Xannanada hooyo oo kale
* Kalgacalka walaalkeed oo kale.
4. Jacayl: Jacaylku waa dhismaha guriga, waa tiirarka uu qoysku ku
taagan yahay kuwa ugu waa wayn kaalin mug lehna kaga jira jiritaanka
qoyska. Sidoo kale waxa la oran kara waxa u kamid yahay xikmadaha loo
jideeyay guurka sida Ilaahay Qur’aankiisa inoogu caddeeyay waxa uu yidhi
“tilmaamaha kalinimadayda lagu garto waxa kamid ah in aan nafihiina
idinka abuuray lammaane aad ku degtaan dhexdiinana wax aan dhigay jacayl
dhamays tiran iyo naxariis ma guurto ah” (Ayadda 21 Surat Al-ruum) Jacaylka ka dhexeeya ninka iyo xaaskiisa waa mid u baahan marwalba
kobcin iyo kor uqaadis joogto ah. Haddaba waxa taas kuu suro galinaya
adigoo sameeya qodobadan:
· In aanad ka xishoon marwadaada oo aad u sheegto ama dareen
siiso in aad jeceshahay oo ay waliba tahay qayb noloshaada ka mid ah
· In aad kula hadasho hadalo kalgacal iyo naxariisi ku dheehan tahay
· In aad u muujiso raalli galin dheeraada isla markaasna aad ixtiraamto hadalladeeda iyo waxqabad yadeda wanaagsan.
· Isku day in aad marwadaada dareen la wadaagto oo aad u dhago nuglaato
· Wax ka ogoow farxadeeda iyo murugadeedaba oo la dareen qaybso xaaskaaga.
Inta iyo kuwo kale oo badan haddii aad isku daydo in aad samayso waxa
aad ka gudbaysaa qayb wayn oo noloshaada farxaddeeda caqabad ku ahaan
lahayd, waxaanad heli kartaa badhaadhaha noloshaada qayb laxaadle oo ka
mid ah.
5. Is qurxin: waxa aan shaki ku jirin in nimanku ay jecel yihin in ay
xaasaskoodo qurux bataan oo ay had iyo jeer il quruxsanaadaan. Haddaba
waxa in lagu baraarugo mudan in haweenkuna jecel yihin in ay nimankoodu
qurux iyo udug lahaadan. Sida uuIlaahay Qur’aanka inoogu sheegay
“dumarku waxay idinku leeyihiin wanaagga ad ka donaysaan mid la mid ah”
(Ayadda 228 Suut Al-baqara). Sidaa daraadeed isku day in aad badiso
nadaafadda jidhkaaga iyo ta maryahaagaba oo ku dadaal cadayga sidu
Rasuulku samayn jiray N.N.K.H, si aad xaaskaga uga farxiso una raalli
galiso.
6. Hadyad bixin: Hadyaddu waxa ay kamid tahay waxyaabaha ugu waawayn
ee qalbiga bini’ aadamka raadka wayn ku sameeya, waxaanay kamid tahay
sababaha keena jacayl iyo kalgacayl inuu dhex maro lammaanaha sida uu
Rasuulkuba inoo caddeeyay N.N.K.H. “wax isku hadyeeya si aad isku
jeclaataan”. Sidaa daraadeed hadyada aad siiso xaaskaga ogow wax ay
keenaysa firfircoonaan iyo laabxaadhnaan aad kala kulanto marwadaada.
Waxa iyana wanaagsan In aad ogaato wakhtiyada muhiimka ah ee mudan in la
siiyo xaaska hadyado oo ay kamid yihin:
· In aad xasuusiso marwadaada maalinkaad is xalaashateen ee uu gurigiinu dhismay
· Xilliyada ay uurka leeday oo ka mid ah wakhtiga dumarku ay u baahanyin In il gaara lagu eego lana xannaaneeyo Sidoo kale hadyada waxa ku jirta sir wayn oo aanay dadku ka war
qabin.oo ah: (marka aad xaaskaga isku yara cadhootan ama uu xanaaq idin
dhex maro waa shayga koobad ee soo celinaya farxadinii)
7. Talo wadaag: Talo wadaagu waa qodob aad ugu wanaagsan dhammaan
wada dhaqanka bani’aadamka si gaar ahna waxa uu muhiimad balaadhan u
leeyahay qoyska wada nool. Sidaa awgeed ninka raba in uu noqdo mudane
marawadiisa hanankara waxa wanaagsan in aad kala tashatid oo aad ku
sharaftid xaaskaga hab u wadidda nolosha qoyskiina gaar ahaan dajinta
miisaniyad sannadeedka qoyskiina maxaa yeelay waxa ay farxad galinaysaa
ooridaada. Sidoo kale kala tasho xaaskaaga habka wax soo kordhinta
noloshaada iyo sida aad ubadkiina ukorinaysaan.
8. Abbaal celin: Waxa soomalida ku yar amaba ay hilmamaan badankoodu
waxa loo yaqaano mahad naqa oo kamida furayaasha qalbiga lagu hantiyo.
Rasuulku waxa uu yidhi isaga oo inoo sheegaya mahad naqu sida uu u wayn
yahay “qofka aan Ilaahay u mahadniqin dadkana uma mahad naqo”. Haddaba
cid loo mahadnaqo yaa u mudan?
Marka laga yimado mahadnaqa Ilaahay SWT oo mahad celinta ugu
waanagsan inaga mudan cidda ku xigta ee ugu muhiimsan in ay isku mahad
naqaan waa lammaanaha wada nool. Ninka waxa laga rabaa in uu abaal celin
uga dhigo xaaskiisa markasta oo ay wanaag u samayso mahadnaq uu u
isticmalayo hadalo wanaagsan oo qalbigeedu raalli ku noqdo.
Dadaal: dadaalku waa kicinta awoodda bani’aadannimo ee xagga waxqabad
oo si dhaba looga faa’idaysto. Waana waxyaabaha qoysku ku horumaro waxa
lagama maarmaan ah in aad xaaskaaga ugu dadaasho caddaaladda kana
ilaaliso wixii nafteeda iyo ehelkeedaba wax u dhimaaya.
Sidoo kale waxa
wanaagsan oo aad qalbiga oridaadana ku hanan kartaa adiga oo ogaada
baahiyaha qoyskaaga gudo iyo dibadba, kuna dadaala sidii aad u dabooli
lahayd. In aad ku dadaasho xaaskaagu in ay noqoto ta ugu nolol wanaagsan
uguna badhaadaha badan iyo in aad heshaan ujeedadii aad ka lahaydeen
guurkiina iyo helitaanka guusha guurkina.
Umuayuub2011@hotmail.com
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:46 and have
, Published at