Wadaad si weyn looga yaqaan S/land oo sheegay in Midnimada Soomaaliya….

Wadaad si weyn looga yaqaan S/land oo sheegay in Midnimada Soomaaliya….

daajis.com:-Mid kamid ah wadaadada Gobolka Awdal, oo Khudbad u jeedinayay Arday qalin jabisay, ayaa sheegay in Midnimada Soomaaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

Shiikh Xasan Daheeye, ayaa kamid ah wadaadada sida weyn looga qadariyo deegaamada maamulka Somaliland.

Shiikha, aya Ardayda uu Khudbada u jeedinayay ku guubaabiyay, in ay midnimada dalka Soomaaliya ku fikiraan waxna u qabtaan, isagoo xusay dad badan oo cadow ku ah soomaaliya ay doonayaan in la kala googooyo oo qeyb kastana wadan la raacsiiyo taasina aysan ugu jirin wax maslaxad ah dadka ku hadla afka Soomaaliga eek u nool geeska afrika dhibaato Mooyaane.
“Waxaa kale oo aan la hadlayaa profsooro kuwa isku sheegaya oo macalimiin ka ah wadamada reer galbeedka oo wax ku soo barta canshuurtii soomaaliya ee waxaan lee yahay goobihii aad wax ku soo barateen sida Lafoole iyo kuliyaddii Gaheyr meeday xaquu nagu leehaa dhulkeenu, ogaada wax midnimo lagu waayey kala googo,iyo tafaraaq lagu helimaayo aakhirana waa la isweydiinayaa” ayuu yiri Sheekh Daheeye.
Sheekh Xasan Daheeye ayaa ugu dambeyntii sheegay oo yiri ”Midnimada Soomaaliya Waa Muqadas … Dhulka Ooyayoow Aamus Waa Lagu Imane Aamus” Somaliland Waa 24 Jirsatay Waan Goosanaynaa bay ku haysaa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada