Xaqiiqooyin Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Kulanka El Clasico Ee Caawa.

Xaqiiqooyin Aad U Baahan Tahay Inaad Ogaato Ka Hor Kulanka El Clasico Ee Caawa.

daajis.com:-Garoonka Valencia ee Mestalla waxaa caawa ku wada balansan labada koox ee adduunka laga wada sugo kulamadooda sanad walba, walow ay maantay ku loolalamayan koobka 2aad kadib horyaalka hadana kulan walbo labadan koox ciyaarayaan dhadhan kale ayuu leeyahay xitaa haddii mid saaxiibtinimo uu yahay, hadaba waxaan idiin soo hordhigeena qaar kamid ah xaqiiqooyinka ay tahay ina ka go’aatan labadan kooxood:

-Waa final-kii 7aaad ay labadan koox isaga hor imaadan, iyadoo koox walbo min 3 guul ka wadato.
- 5tii mar ee u danbeesay ee Barcelona ciyaartay Final-ka Copa del Rey 4 kamid ah ayey qaaday.
- Tata Martino haddi uu qaado wuxuu noqonayaa tababarihi 3aad ee Argentina ka soo jeedo ee Barcelona u qaada Copa del Rey ama macalinkii 4aad ee wadankaas ka soo jeedo ee qaada koobkan.
- 11 jeer uu final qabtay Ancelotti isagoo tababare ah 8 ka mid ah ayuu qaaday halka 2 ka mid ah gool ku laad looga qaaday.
- Lionel Messi ayaa jabiyey rikoorkii ciyaaryahanka ay isku wadanka yihiin ee Di Stefano, isagoona hadda ah ninka abid El Clasico ugu goolasha badan, waxaana laga yaaba inuu maantay si dheereysto 21kiisa gool.

-Real Madrid waa kooxda ugu badan ee final tagto koobkan 38 jeer, balse Barcelona ayaa ah kooxda ugu badan ee qaaday 26 koob.
-Barcelona ayaa sanadan minan iyo marti u garaacday Real Madrid iyadoo saadaasha ugu badan maantay heesato.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada