Chelsea Oo Mushahar Fiican Siineysa Da’ Yar Aan Weli La Aqoon.

Chelsea Oo Mushahar Fiican Siineysa Da’ Yar Aan Weli La Aqoon.

daajis.com:-Xiddig ku jira da’ yarta Chelsea oo aan weli u ciyaarin kooxda koowaad ayaa isbuucii qaadanaya 20 kun ginni, sida ay sheegayaan warar soo baxaya.

Wargeyska Daily Mail ayaa sheegaya in daafaca dhexe ee reer Denmark Andreas Christensen inuu sannadkii mushahar 1 milyan ginni jeebka gashan doono inkastoo uu isbuucii hore uun noqday 18 sanno jir.
Christensen ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha ugu tayada fiican ee da’diisa ee dunida laakiin waxa uu soo fariistay kursiga keydka Chelsea kaliya hal jeer, waxa uu ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii ugu danbeysay ee Benitez uu macalin u ahaa Blues ee Everton xilli ciyaareedkii hore.
Chelsea ayaa saxiixa daafacan kaga adkaatay kooxo dhowr ah markii ay kala soo wareegeysay kooxda Brondby ka hor xilli ciyaareedkii 2012-13 iyadoo kooxaha Manchester United, Mancheser City iyo Barcelona lagu waramayay inay xiiseynayeen.
Sida lagu sheegay website-ka Chelsea, Christensen waa waa ciyaaryahan dheer oo ah daafac dhexe oo kubada qeybin kara islamarkaana ciyaartiisa ay la mid tahay Ricardo Carvalho, aabihiis waxa uu ahaan jiray goolhaye.
Christensen ayaa ka caawiyay Chelsea inay gaarto semi-finalka FA Cup Youth halkaasoo ay faa’ido ka heystaan Arsenal ka dib markii ay lugtii hore ee semi-finalka ay uga badiyeen 2-1.

Lugta labaad waxa ay habeen khamiista ka dhici doontaa Emirates, iyadoo Fulham ay finalka ku sugeyso labadaan kooxood kooxdii soo baxda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada