Kulankii Baarlamaanka oo maalintii 3aad kooram la'aan u furmi waayay, xilli Wasiiro loo yeeray

Kulankii Baarlamaanka oo maalintii 3aad kooram la'aan u furmi waayay, xilli Wasiiro loo yeeray

daajis.com:- Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya maanta ku yeelan lahaa xarunta golaha shacabka ayaa mar kale u baaqday kooram la'aan, kadib markii ay soo xaadiri waayeen Xildhibaano fara badan oo ka maqnaa madasha.

Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa ka hor sheegay tiro oo soo xaadiray fadhigii maanta in maalintii saddexaad uu dhameystirmi waayay kooramkii la rabay, sidaas darteed uu u baaqday kulanka kooram la'aan.

"Maanta waa maalintii saddexaad oo Baarlamaanka kooram la'aan awgeed u furmi waayay, waxaa noo yaala ajandayaal aad ansixiseen, saddex wasiir ayaa loo yeeray waa yimaadeen, sida Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Dekeda"ayuu yiri Jeylaani Nuur Iikar.

Mr Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay inay ka war hayaan tirada Xildhibaanada Baarlamaanka ee joogta magaalada Muqdisho, kuwa fasax ku maqan iyo kuwa howsha ku maqan, waxaana uu ugu baaqay Gudiga Anshaxa Baarlamaanka inay tallaabo ka qaadaan Xildhibaanada aan soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka.
Dhinaca kale Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir ayaa ku eedeysay Xildhibaanada baarlamaanka xil gudasho la'aan, iyadoo nasiib daro ku tilmaamtay in maalintii saddexaad uu fadhiga baarlamaanka u furmi waayo kooram la'aan.

"in maalin kasra waa baaqday la dhaho kulankii Baarlamaanka waa ceeb, waa in kooramka la buuxiyaa waa in dalka loo shaqeeyaa, waa arkeysaan dhibaatada dalka ka jirta, hadaad seexataan yaa dalka waa u qabanaya, aniga madaxda gudoonka waxaa leeyahay waa in waajibkiisa la mariyaa Xildhibaankii maqnaada"ayay tiri Xildhibaanad Seynab Caamir.

Gudoonka Baarlamaanka ayaa dhowaan u yeeray Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga, si wax looga weydiiyo xaaladaha dalka ka jira, iyadoo lagu waday in Xildhibaanada iyo wasiiradaas ay dhex marto dood kulul.

Dib u dhaca maalintii saddexaad ku yimid kulankii Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof, Jawaari uu dalka ka maqan yahay, isla markaana uu booqasho ku joogo dalka Talyaaniga.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada