0day 60 jir ah oo ka sheekeeyay jir dil ay u geysteen ciidanka Axmed Madoobe

0day 60 jir ah oo ka sheekeeyay jir dil ay u geysteen ciidanka Axmed Madoobe

daajis.com:-Oday 60 jir ah, ayaa Idaacada Kulmiye ee magaalada Muqdisho uga sheekeeyay jir dil fool xun oo ay kula kaceen Ciidamada maamulka Jubba ee Kismaayo xukuma.

Odaygaan ayaa kamid ahaa shacab farabadan, oo si qasab ah ciidanka Jubba uga bara kiciyeen Agagaaraha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo.

Oday 60 sano jir ah oo diiday in magaciisa la baahino, ayaa waxa uu e usheegay inuu ka mid ahaa dadkii laga raray guryaha ku dhawaa garoonka Kismaayo laakiin is hadal dhaaf dhexmaray isaga iyo ciidanka Maamulka Jubba ay ugu badaleen inay jir dil xoogan ugeystaan.

Ninkaan odayga ah ayaa waxa uu sheegay inay ciidanka ku yiraahdeen baabuur sakxadiisa fuul isagana uu ka biyo diiday arintaasi maadama aysan aheyn nadiif waxaana uu sheegay odaygu inay dhaawacyo muuqda iyo mid qarsoon oo jirka ah ay ciidanka Axmed Madoobe ugeysteen.

Waxa uu lixdan Jirkaasi sheegay inay waayeen meel ay udacwoodaan isagoo tibaaxay in qofkii runta ka hadla la dilayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada