Hayaankii Dheeraa Iyo Safarkii Halista Badnaa” Nuqul Ka Mid Ah Nolosha”

Hayaankii Dheeraa Iyo Safarkii Halista Badnaa” Nuqul Ka Mid Ah Nolosha”

daajis.com:-Sidiisaba geedi ama safar waxaad kala kulantaa waayo aragnimo iskugu jira dhib iyo dheef taas oo saldhig u noqotaa warbaxintaada aduun uguna muhiimsan diiwaanada buuga aad ku keeydiso taariikhda noloshaada maalmaha kooban ee aad nooshahay.

Hadaba wax ka baro qaybtan kooban ee aanu ku faaqidi doonoo hayaankii dheeraa iyo safarkii halista badanaa ee nolosha ‘AYAAN’ oo ah leh dhaxalka qisada manta.

Waa xili aroor ah deegaanka waxaa ka da,ay xalay roob mahiigaan ah saakayna daba dhigey mayaay, deegahu way qoyan yahiin dadkuna waa kuwa kulaalaya dabka iyo dharka adag ee loogu talay galay dhaxanta, balse aniga waxaa I hareeyey cabsi iyo naxdin deg deg ah waayo waxaa soo guda galay qorshahii safarka iyo am baxitaankii.

Waxaa isoo sagootiyey qoys isku duuban saaxiibo fara badan iyo waliba qaraabo si guud iyo gaar ahaaba way iigu duceeynayeen ilaa ugu danbeeytii aanu gacmaha isu haatino muuqeenii kale qarsoomo, waxaana isku soo horey aniga iyo dadkii ila safreyey, dhagaheygu waxay maqlayaan guuxa gaariga iyo waliba shanqarta dabeysha.

Ku dhawaad saacad ka dib waxaan dibada uga baxay magaalada hargeysa oo aheed halkii aan ku dhashay kuna bar baarey, waana markii iigu horeeysay oo aan safar galo waliba mid kaligeey ah, waxaan ku wajahanay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka itoobiya, si aan halkaas uga anba qaado qaybta labaad ee safarkeyga hadii Allaha awoodo sare raali ka noqdo, wali waxaan la daris ahay cabsi iyo wal wal.

Habaaq barad sidiisii ayaan eegayaa dhanacyada iyo dadka saran gaariga,geedaha wadada ku hareer yaala iyo waliba san la raacida neecawda udgoon ee dhulka miyiga. Markii shabtii dhacdey oo wadada si qumaati ah cagta loo saaray waxaa is badalay jawigii safarka waxaa naloo daaray heeso kale nuuc ah haba ugu badnaaneed kuwa wadani ah iyo waliba kuwa jaceyl ahaa, dadkuna waxay ahaayeen kuwa ku maqsuuda.

Muusiga QaaCiga ah ee dagan iyo waliba hor dhaca codka Alfanaan Axmed Cali ‘Cigaal’ ayaan maqlay waxaana sii daba xigey muusig wada shuban iyo naaxiyadii hees dadku madaxa la wada luleen waxaana erayadeeda ka mid ahaa ‘Waa Laysu Soo NoQon, Waxii Nool Aduunyada’ waa hubaal maalintaas ayaan dareemey macnaha dhabta ah ee heestaas, waxayna ii horseedey qiiro iyo waliba xasuus hore.

Waxaa dhadhan yeeshay xawaaraha gaariga iyo waliba safarkeenii, waxa aay indhahu qabanayaan dhir aad u qurux badan, xoolo daaqaya iyo waliba kurey dhax socda oo gacanta inoo haatinaya kama marna buuraha qurxoon ee Rabbi dalkeena u hibeeyey.

Balse mar qura waxaa is badalay jawigii macaanaa ka dib markii mid ka mid ah cagta, taayaradii gaariga baxday ama furutay oo mar qudhana gaarigii dhinac u buurtay oo halis iyo gadoon qarka usaaran yahay, Allow adaan kaa magan galnay gaari gadooma.

Geed wayn oo wadada hareerteeda ku yaala ayuu gaarigii madaxa la galay nasiib wanaag ma gadoomin oo Illaah ayaa geedkaas nagu bad baadiyey, qofba meeshii uu ka baxi karo ayuu ka baxay, naftu macaana anigu waxaan ka mid ahaa dadkii ka baxay mid ka mid ah daaqadaha gaariga, waxay aheed musiibo EEBE Naga baxiyey.

Waxaan joogney halkii mudo ku dhawa 5saacadood oo gaarigii dib loo hagaajiyey dadkuna hoosta ka wada galeen geedaha, in kastoo sidii hore loo wada faraxsanayn hadana jawigu waxuu ahaa mid ka soo kabanaya cabsidii nooga timid ciladii gaariga.

Ugu danbeyntii dib waxaa u bilawday safakeenii waxaana dhib la,I ku kale gaarnay deeganadii aan u kale soconay qof waliba waxuu ka dhaxlay qisadaan cajiibka ah.

Intaas ayaan ku soo gaba gabaynaa Qisadeeni Maanta Iyo Diiwaankeenii Hayaan inta aan dib ugu kulmi doono mid la mid ah qisdaan waa saaxiibkiin ‘WaaSuge’ oo idin wada leh nala wadaag qisdaada safar hadii iyo waxaad kala soo kulantay saaxiib.

Dhamaad: Qisadii Safarkii Ayaan Iyo Qalinkii WaaSuge Maanta Waa Naga Intaas.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada