Amiirka Al-shabaab:- Waan dili doonaa dhamaan Gudoomiyaashii G.banaadir ee xilka laga qaaday

Amiirka Al-shabaab:- Waan dili doonaa dhamaan Gudoomiyaashii G.banaadir ee xilka laga qaaday

daajis.com:-Amiirka Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Banaadir, Cali Maxamed Xuseen Cali Jabal, ayaa ka dhawaajiyay inay leyn doonan dhammaanba mas’uuliyintii xilka laga qaaday ee gobolka Banaadir.

Cali Maxamed Xuseen oo faah faahin ka bixinayey weerar qarax loo adeegsaday ay shalay ku dileen Xoghayihii hore ee gobolka Banaadir C/Kaafi Hilowle isagoona sheegay in gudoomiyeyaashii degmooyinka laga qaaday ay dili doonaan.

Al Shabaab waxay sidoo kale sheegeen inay shalay si dirqi ah uga bad baaday Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Somaliya kaasi oo qarax ay gaarigiisa ugu xireen waxayna ku goodiyeen inay beegsan doonaan xildhibaano badan oo Baarlamaanka katirsan.

Hanjabadaa Al-shabaab,waxaa ay imaanaysa xilli ay jiraan guddoomiyaashi hore ee gobolka Banaadir qaar kood oo an lahayn wax ilaalo ah,waxaana ay ka dhigaysa cabsi cusub oo mas’uuliyinta soo fodsaaraysa.

Weerarada lagu hayo Xildhibaanada Baarlamaanka iyo dilalka lagu beegsanayo mas’uuliyiin hore xilal usoo qabtay ayaa waxay Al Shabaab kusii kordhiyeen maalmihiii dambe Magaalada Muqdisho weeraradaasi iyagoo kusii hanjabaya inay socon doonaan howlgaladaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada