Tahriibayaal looga dhuuntay saxaaraha u dhaxeeya Sudan & Libya

Tahriibayaal looga dhuuntay saxaaraha u dhaxeeya Sudan & Libya

daajis.com:-Boqollaal qof oo tahriibayaal ah ayaa gaaray magaalada Don-gola ee woqooyiga dalka Suudaan kaddib markii ay saxaraha ka soo bad-baadiyeen ciidamada militariga dalkaasi.

Dadkani muhaajiriinta ah ayaa la soo badbaadiyay kaddib markii mukhallasiintii waday ay uga dhuunteen xudduuda ay wadaagaan Suudaan iyo Libya.

Ugu yaraan sagaal ka mid ah dadkani muhaajiriinta ah ayaa geeriyootay, waxaana la sheegayaa in intooda badan ay ahaayeen Itoobiyaan iyo Eretiriyaan.

Wararka ayaa sheegayo in inta kale ay ka imaadeen dalalka qaaradda Aasiya, kuwaas oo doonayay inay Yurub ka galaan badda u dhexeyso Liibiya iyo Taliyaaniga.

Tiro muhaajiriin ah oo reer Neyjer ah ayaa sanadkii hore harraad ugu dhintay saxaarahaasi, kaddib markii baabuurkii ay ku safrayeen uu ku jabay dhulka lama degaanka ah.

Tobannaan kun oo qof ayaa sanad kastaa ka tallaaba saxaraha Afrika iyagoo ku rajo weyn in ay Yurub gaaraan si ay halkaasi nolol wanaagsan uga sameystaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada