Mourinho:- Oo Goolal Badan Kasugaayo Ciyaartoydiisa Dhexda.

Mourinho:- Oo Goolal Badan Kasugaayo Ciyaartoydiisa Dhexda.

daajis.com:-taniyo 2010 Chelsea ayaa kubixisay lacag gaareyso 229.9 sidii ay u adkeen laheed dhexda, ciyaartoyda dhexda uga ciyaarto hadda laba jibaarkood ayaa amaah uga maqan kooxda reer London kuwaas oo xilli ciyaareedkaan kaliya udhaliyey 72 gool kooxaha ay amaahda ku joogan, Lucas Paizon oo mlikiyadiisa iska leedahay Chelsea ayaa uciyaarayo kooxda Vittesse Arnhem ee ka dhisan Neteherland isagoo dhaliyey 11 gool halka uu caawiye ka ahaa 8 kale wallow kala bar sanadkaan uu maqnaa.

Tababaraha Chelsea ayaa si dadban ugu sheegay ciyaartoyda ka ciyaarto seddex boos ee ka danbeeso weerarka inuu uga fadhiyo inay dhaliyaan goolal badan ama uu albaabka ufuran yahay “Waxaan heysanaa xiddigo heer sare ah sida Oscar Schurrle iyo Willian hadana waa inay dhaliyaan goolal badan”.
Mourinho wuxuu sheegay in difaaca uugalo ay kuqasbeen ciyaartoydiisa “Aqoon fiican ayaan uleeyahay waxaan sameenaayo waqti kooban oo xilli ciyaareedka katirsan, marka aad fiiriso awooda Blues waxaan doortay qaabka ay uga hortagi karaan awooda weerar ee xa dhaafka ah ee ay lahaayeen Man City iyo Liverpool.

Mourinho wuxuu sheegay inay dhibaato eheed in kooxdiisa aysan heeysan gool dhaliyayaal sare oo soo gudo goolasha laga dhaliyo haddi ay garoonka furaan “Waxaan dareemay inaan khatar kusuganahay haddi aanan hirgalin istaraatiijiyadaan iyo fikirkaan, sooma arkin awooda weerar ee Liverpool iyo Atletico Madrid, Liverpool waan udiidnay inay gool udhaliso gurigeeda, sido kale Diego Costa oo sidii roobkii golal udhalinayey rigoore mahane wax kale nagama dhalin, waxaan ubaahneen inaan natiijo helno sidaas darteed istaraatiijiyada baska wey aheyd inaan hirgalino waqti kooban.
Ciyaaryahanada khadka dhexe ee Chelsea Hazard, Oscar, Schurrle, iyo Willian waxey wadar ahaan dhaliyeen 32 goal xilli ciyaareedkaan horyaalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada