Aabaha Dhalay Wiil sheegay in uu katirsanaa Al-Shabaab oo Muqdisho lagu soo bandhigay oo ka hadlay waxa uu ahaa Wiilkiisa

Aabaha Dhalay Wiil sheegay in uu katirsanaa Al-Shabaab oo Muqdisho lagu soo bandhigay oo ka hadlay waxa uu ahaa Wiilkiisa

daajis.com:-Aabaha dhalay Wiil Dhalinyaro ah oo dhawaan Ciidamada Hay’ada Nabad Sugida kusoo bandhigeen Magaalada Muqisho ayaa beeniyay in Wiilkiisa uu wax xariir ah lala lahaa kana tirsanaa Xarakada Al-Shabaab .

Khaasim Axmed oo sheegtay in uu yahay Korneel katirsan Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa kasoo horjeestay in Wiilkiisa Maxamed Khaasim Axmed uu Shabaab yahay xili dhawaan Wabaahinta loo soo bandhigay Wiilkaasi isaga oo qiranaya in uu katirsan yahay Al-Shabaab .

Aabaha dhalay Wiilka lasoo bandhigay ayaa ku Eedeeyey Saraakiil katirsan Hay’ada Nabad Sugida inay wiilkiisa ku qasbeen inuu sheegto waxa uusan ahayn maadama loogu Cago jugleeyey in la dilayo Saaxiibo wiil ay ahaayeen oo lagu magacaabi jiray Farxaan Macalin hortiisa lagu dilay.



Waxa uu intaa raaciyay in Wiilkiisa uusan waligiis xariir la yeelan Al-Shabaab kana soo shaqeyn Idaacada Al-Andulus ee ku haadsha Afka Al-Shabaab , waxa uuna intaa raaciyay in Wiilkiisa uu dhawaan Kismaayo kasoo wareegay hadana uu Jaamacad ka dhiganayay Magaalada Muqdisho.

Maxamed Khaasim Axmed oo Dhawaan Hay’ada Nabad Sugida soo bandhigtay ayaa Afkiisa ku qirtay in uu katirsanaa Al-Shabaab uuna ka qeyb qaatay dilal iyo qaraxyo ka dhacay Magaalada Muqdisho oo qaarkood lagu dilay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:04 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada