Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo R/Wasaare Cabdi Wali ka codsaday in uu garab siiyo (Warbixin)

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo R/Wasaare Cabdi Wali ka codsaday in uu garab siiyo (Warbixin)

daajis.com:-Warar soo baxaya ay heshay Shabakada daajis.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu R/Wasaare Cabdi Wali Sheekh Axmed ka codsaday in uu garab ku siiyo sidii looga hortagi lahaa mooshinka isaga ka dhanka ah ee diyaarinayaan Xildhibaano kasoo horjeeda.

Xasan Sheekh oo hada Culees siyaasadeed kala kulmaya Xildhibaano kor u dhaafaya boqol Xldhibaan kuwaa oo wada diyaarinta Mooshin isaga looga soo horjeedo ayaa wada dadaalo badan uu ku doonayo in mooshinkaasi lagu baajiyo.

Sida aan Wararka ku heleyno Madaxweynaha oo kulan hoose la qaatay R/Wasaaraha ayaa ka codsaday in uu garab kusiiyo sidii looga guuleesan lahaa loona baajin lahaa Xildhibaanada Muqdisho isku aruursaday ee doonaya in ay ridaan Dowlada uu Xasan Sheekh Hogaamiyo.

R/Wasaare Cabdi Wali ayaa Madaxweynaha u balan qaaday in uu garab kusiinayo sidii loo baajin lahaa mooshinkaasi waxa uuna R/Wasaaraha ololaha kahortaga mooshinka ay diyaarinayaan Xildhibaano Diidan Madaxweynaha u xilsaaray dhoor Wasiir oo ku fiican kala fur furka marka ay xaaladaan oo kale yimaadaan kuwaa oo xubin ka ah Baarlamaanka.

Wararka sidoo kale la helayo ayaa sheegaya in R/Wasaare Cabdi Wali Siyaabo kala duwan xafiiskiisa ugula kulmay Xubno Hurmuud u ah Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya looga soo horjeedo kuwaa uu ka codsaday dajinta xiisada kacsan , waxaana dalabkaasi kabiyo diiday Xildhibaanadii uu la kulmay R/Wasaaraha oo dhankooda hor dhigay Dhaliilaha Madaxweynaha.

Xafiisyada ay Xarunta Madaxtooyada ku leeyihiin Madaxweynaha Soomaaliya iyo R/Wasaataha ayaa hada si weyn looga dareemaya Xiisada Siyaasadeed, waxaana socda kulamo isdaba jog ah oo looga arinsanayaya sida looga hortagi karo Moohinka Madaxwenaha laga diyaarinayo.

Lama saadaalin karo wali sida uu xaalku ku dhamaan doono , xildhibaanada Mooshinka ka wada Xasan Sheekh Madaxweynaha Dalka ayaa shaaciyay in uu dhamaaday xiligii laaluushka ayna diyaar u yihiin in ay ridaan Madaxweynaha, halka Madaxweynaha uu isna wado dadaalo uu ku kala fur furayo Xildhibaanada isaga diidan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 09:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada