Al-Shabaab oo Shaacisay Dagaalkii ay kawadeen Gudaha Soomaaliya in ay u rareen Dalka Kenya

Al-Shabaab oo Shaacisay Dagaalkii ay kawadeen Gudaha Soomaaliya in ay u rareen Dalka Kenya

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa markii ugu horeesay waxa ay shaaca ka qaday in Dagaalkii ay kawadeen gudaha Soomaaliya ay markaan u rareen Dalka Kenya oo ciidamo badan ka joogaan gudaha Soomaaliya.


Sheekh Fu’aad Moxamed Khalaf oo kamid ah saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab oo shalay Boqolaal dadweyne ah kula hadlay fagaare kuyaala Degmada Baardheere oo lagu soo bandhigay gaadiid ay shabaab kasoo qabsadeen gudaha Kenya ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii kasocday gudaha Soomaaliya ay u rareen dalka Kenya.


Fu'aad Shangole ayaa Dowlada Kenya ugu hanjabay in ay la kulmi doonaan dhibaatooyin xoogan oo kaga yimaada dhinaca Al-Shabaab , waxa uuna tilmaamay in Kenya ay wajihi doonto dagaal ayna kaga aargudan doonaan Magaalada Nairobi iyo Magaalooyinka kale ee Dalka Kenya.


'' Kenya hadii Gabar Soomaaliyeed ku disho gudaha Soomaaliya waan ka aargudan doonaan oo dalkooda ayaan anaguna ku dili doonaa gabdho badan , Kenya kuma jiri doonto guryaha muyaaradaha ka sameesan weyna ka shaleyn doonaan waxii ay ka faleen gudaha Soomaaliya '' ayuu yiri Sheekh Fu'aad.



Sheekh Fu'aad ayaa Shacabka ku dhaqan Gobolada Gedo ,Baay iyo Bakool , ayaa wuxuu ugu baaqay inay u istaagaan ka qeyb qaadaashada dagaalada ay kawadaan Gudaha Dalka Kenya iyo Soomaaliya.


Hadalka Al-Shabaab ayaa imaanaya xili mudooyinkii lasoo dhaafay ay kordheen qaraxyada iyo Weerarada ka dhacaya gudaha Dalka Kenya kuwaa oo lagu eedeeyo in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:17 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada