Al-Shabaab oo sheegatay weerarka Xarunta Baarlamaanka

Al-Shabaab oo sheegatay weerarka Xarunta Baarlamaanka

daajis.com:-Al-Shabaab ayaa sheegatay weerar goor dhow lagu qaaday xarunta Golaha Shacabka Baarlamaanka oo ay ku shirayeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Weerarkan ayaa ku bilowday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu qarxiyay afaafka hore ee Baarlamaanka, iyadoo kadib rag hubeysan ay gudaha u soo galeen, kadibna uu iska hor imaad dhex maray ilaaladii ku sugneyd Xarunta Golaha shacabka.
Mid ka mid ah baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab oo soo xiganaysay Saraakiil ka tirsan Shabaab ayaa sheegay in weerarka ay ka dambeeyeen, isla markaana howl galka socdo.
Afhayeenka howl galada Shabaab Abuu Muscab oo la hadlay wakaaladaha wararka ayaa sheegay in howl galka uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku qaadeen Xarunta Golaha Shacabka.
Abuu Muscab ayaa sheegay in howl galka wali socdo, isla markaana xoogag ka tirsan dagaalyahanooda ay gudaha ugu jiraan xarunta Golaha shacabka.
Goor sii horeysay ayaa rasaas goos goos ah laga maqlayay xarunta Golaha shacabka, iyadoo howl galka aan wali soo gaba gaboobin.
Inta la og yahay weerarkan ayaa waxaa ku dhaawacmay saddex Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka, waxaa ka mid ah Xildhibaan Cumar Finish.
La soco wixii warar ee ku soo kordha



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada