Daawo Sawirada:- Weerarkii lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

Daawo Sawirada:- Weerarkii lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka

daajis.com:-Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku geeriyootay weerar barqanimadii maanta lagu qaaday xarunta Golaha shacabka, halkaasoo ay ku shiraan Xildhibaanada Baarlamaanka, iyadoo saddex ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay ku dhaawacmeen.

Rag hubeysan oo ka tirsna Al-Shabaab ayaa gudaha u soo galay xarunta golaha shacabka, iyadoo iska hor imaad muddo socotay ay dhex martay Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ilaalada ka hayay xarunta golaha shacabka.
Is rasaaseynta ayaa qaadatay in ka badan hal saacadood, waxaana raga hubeysan ay ka dagaalamayeen dhismo ku dhow xarunta Baarlamaanka oo ay rasaas ka soo ridayeen.
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga saaray xarunta golaha shacabka, iyadoo laga bixiyay albaabka dambe ee dhismaha xarunta golaha shacabka.
Wararka qaar ayaa sheegaya in raga hubeysan ay galeen masaajidka Isbaheysiga oo ay in muddo ah ka dagaalamayeen, isla markaana ay aad u adkeyd in la maro wadada sayidka ah.
Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerar qorsheysan ay ku qaadeen xarunta Golaha shacabka, iyadoo weerarkan lagu soo beegay, xilli Baarlamaanka shir ku lahaa.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:32 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada