Daawo Video:- Hadaad Sigaar cabto waxaa kuu haynaa aqbaar aad u xun

Daawo Video:- Hadaad Sigaar cabto waxaa kuu haynaa aqbaar aad u xun

daajis.com:-Muuqaal Video oo uu sameeyay Macalin wax ka dhiga jaamacad ku taal Hong Kong ayaa markaad fiirsato waxaa go’aan deg deg ah ku gaareysaa inaad iska joojiso cabitaanka sigaarka hadaad isticmaasho.

Dad badan ayaa aaminsan in isticmaalka ama cabista sigaarka uu caafimaadkooda ku xeran yahay hase ahaatee waxaan hada u haaynaa aqbaar aad u xun.  Markaad daawato muuqaalkan, waxaad arkeysaa sida uu Sigaarka u waxyeeleeyo ama u dhaawaco Sanbabada aadanaha.

sigaarMuuqaalka tijaabada Macalinkan Jaamacadeed sameeyay ayaa waxaa uu usoo qaatay tusaaleyn Sambab Xoolaad, kadibna qalab ayuu ku rakibay, isagoo ka dhigay sida sambabka qofka sigaarka caba uu u shaqeynayo, wuxuuna siiyay sababkaasi 60 xabo sigaar ah, tijaabadii kasoo baxday waxaad ku arkeysaa Muuqaalka Video-gan.

Macallinkan ayaa tijaabadan u sameeyay markii uu ka walaacay ardaydiisa iyo kuwa dalkiisa sida ay u isticmaalaan sigaarka, waxaana markaad daawato gaari doontaa go’aan deg deg ah.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada