Al-Shabaab oo si xun u gowracay qof dumar xili ay gabdhaheeda..

Al-Shabaab oo si xun u gowracay qof dumar xili ay gabdhaheeda..

daajis.com:-Maliishiyada Al-Shabaab ayaa si xun u gowracay Haweenay lagu magacaabi jiray Fartuun Axmed Maxamuud xili ay la socdeen Labo gabdhood ay dhashay oo aad u da’yar.


Falkan oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Gel-gel oo u dhow degmada Qansax-dheere, waxaana la qabtay haweeneydan iyo labada gabdhood ee ay dhashay xili ay kusii jeedeen magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha degmada Qansax Dheere Aadan Qooqane ayaa sheegay in Haweeneydan ay Al-Shabaab gowraceen isla markaana labo caruur ah oo gabdho ay dhashay la socdeen, kuwaasi oo hadda la geeyay degmada Bardaale ee gobolka Bay.

Warar la isla dhex marayo ayaa sheegaya in Haweeneydan ay ka tirsaneyd Ciidamada Dowladda, inkastoo uu dafiray Guddoomiyaha Qanaxsadheere Aadan Qooqane.

Labada Gabdhood ee haweeneydaasi ay dhashay ayaa argagax iyo shook ka qaadeen gowraca Hooyadood, kuwaasi oo xaalad xun hadda ku sugan.

Al-Shabaab ayaa ugaarsada dadka ka tirsan ciidamada Dowladda iyo dadka ay u arkaan iney taageersan yihiin Dowladda, iyadoo Gobolada Bay iyo Bakool ay ka mid yihiin meelaha ugu daran ee dadka lagu gowraco.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada