VIDEO: 95 ruux oo Soomaali ah oo kenya laga soo masaafuriyey oo maanta Muqdisho la keenay.

VIDEO: 95 ruux oo Soomaali ah oo kenya laga soo masaafuriyey oo maanta Muqdisho la keenay.

daajis.com:-Diyaaradii afaraad oo sida dadkii ku jiray xabsiyada Kenya ayaa manta Muqdisho ka soo degtay ka dib markii ay fududeysay safaraada Soomaaliya ee Kenya.

Muwaadiniinta soomaaliyeed ayaa garoonka Aadan cade  waxaa ku soo dhaweeyey mas'uuliyiin ak tirsan Dowlada Federalka ah ee Soomaaliya, waxaana isla maanta la dejiyey goobo gaar ah oo loogu tala galay, iyada oo hay'ada UNHCR iyo IOM ay iska kaashanayaan dib u dejinta iyo in dadkii doonaya gobalada dalka loo sii gudbiyo.

Danjiraha Soomaaliya ee Kenya Ambasadoor Maxamed Cali Ameeriko oo shir jaraa'id ku qabtay garoonka ayaa sheegay  in ay sii wadayaan dadaalkooda la xiriira in  la soo daabula dadka ku dhibaateysan xabsiyada kenya.


Qaar ka mid ah dadka Maanta Muqdisho yimid oo uu ku jiray Aabe Soomaaliyeed oo 85 jir ah ayaa  muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in ay yimaadaan dalkooda hooyo, maadaama mudo dheer ay ku jireen xabsiyda ku yaala Magaalada Nairobi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada