SAWIRRO:Madaxwaynaha Puntland oo lakulmay Madaxa Hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Somalia

SAWIRRO:Madaxwaynaha Puntland oo lakulmay Madaxa Hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Somalia

daajis.com:-Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garowe ku qaabilay Madaxa Hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Soomaaliya Mr Phil Evans iyo ku xigeenkiisa Haweenayda lagu magacaabo Mrs Rebeeca Tevzeone .

Madaxwayne Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa masuuliyiinta Hay’addaasi kala hadlay sidii ay Puntland uga caawin lahaayen dhinacyada     Waxbarashada,Caafimadka,Dimuqraadiyada,amaanka,xoojinta sharciga iyo arimo kale .

Madaxwaynaha Dowlada Puntland ayaa masuuliyiintaasi u Cadeeyay in xukuumadiisa ay ka go,antahay la dagaalanka musuqmaasuqa,kuna howlan tahay hirgalinta Dimuqraadiyada,Kobcinta iyo Kor uqaadida dhaqaalaha Wadanka .

Mr Phil Evans oo ah Madaxa Hay’adda Kaalmada ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in hay’addiisu ay ka go,antahay sidii ay dowlada Puntland u caawin lahaayen .

Dhawaan ayay ahayd markii uu Madaxwaynaha Dowlada Puntland Mudane Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ku dhawaaqay in ay xukuumadiisu diyaar latahay soo dhawaynta cidkasta oo maalgashi iyo horumar ka samaysanaysa Puntland .

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta,Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.









FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada