DAAWO:- Howl-gallo lagu Burburinayay Dhismeyaasha Sharci Darrada ah oo laga sameeyay Hiliwaa

DAAWO:- Howl-gallo lagu Burburinayay Dhismeyaasha Sharci Darrada ah oo laga sameeyay Hiliwaa

daajis.com:-Howl gal lagu burburinayo dhismeyaasha sharci darrada ah ee laga dhisay hareeraha waddooyinka ayaa laga fuliyay qeybo ka mid ah degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

Guddomiyaha degmada Hiliwaa Maxamed Axmed Xaashi  Qoslaaye iyo taliyaha ciidanka booliska degmada Gaashaanle Khaliif Ilkacase ayaa hoggaaminayay howl galkaan oo sidoo kale ay qeyb ka ahayd fulinta ammar ka soo baxay maxkamadda gobolka Banaadir oo ku saabsanaa in la soo wareejiyo guri xoog looga heystay hooyo Soomaaliyeed oo ay maxkamaddu u xukuntay.

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna Duqa Magaalada  Muqdisho General Xasan maxamed Xuseen Muungaab ayaa dhawaan ku dhawaqaaday In muwaadin Soomaaliyeed aan si qasab ah looga heysan karin hantidiisa, isagoo ku dhawaaqay guddi u xilsaaran xalinta khilaafaadka dhulka ku saabsan.

Sidoo kale maamulka gobolka Banaadir ayaa furay waddooyin waaweyn oo dhismooyin sharci darro ah laga dhistay, kuwaas oo ay adkayd in ay isticmaalaan gaadiidka iyo dadweynuhu, tallaabadaasi waxay qeyb ka tahay dib u soo celinta bilicda magaalada Muqdisho.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada