Malawi oo doorasho loo dareeray

Malawi oo doorasho loo dareeray

daajis.com:-Mid ka mid ah dumarka fara kutiriska ah ee madaxweyne ka noqday qaaradda Afrika ama dunida ayaa waxa wajahaysaa tartankii ugu adkaa maanta, marka ay dadka reer Malawi u dareeraan goobaha cod bixinta.
Joyce Banda, ayaa markii hore madaxweyne noqotay kaddib markii uu geeriyooday madaxweynihii iyada ka horreeyay, marka doorashada ayaa waxay u tahay tii ugu horraysay ee ay tartan gasho.
Dadka reer Malawi ayaa sidoo kale waxa ay dooranayaan xubnaha baarlamaanka iyo kuwa dowladda hoose.
Doorashadan ayaa waxay tahay tii afaraad tan iyo markii dalkaas laga dhaqan galiyay hannaanka xibiyadda badan 20 sanno ka hor.
Waana mid ka mid ah doorashooyinka ugu tartanka adag qaaradda Afrika; aadkana la isugu dhaw yahay xilliga nidaamka xisbiyada badan.
Sidoo kale waa markii ugu horreysay taariikhda Malawi oo hal maalin dalkaa laga qabto doorashooyinka Madaxweynaha, Baarlamaanka iyo kuwa degaanka.
Doorashooyinka dowladda hoose ayaa la qabtay afar iyo toban sano ka hor.

Musharaxiinta ugu cadcad

Afar ka mid ah laba iyo tobanka musharax ee xilka madaxweynaha ayaa waxa ay haystaan fursad ay ku guulaysan karaan.
Afartaas ayaa kala ah Lazurus Chakwera, Atupele Muluzi, Peter Mutharika iyo madaxweynaha haatan talada haysa Joyce Banda.
Mutharika, waxa uu la dhashay oo uu ka yaraa madaxweyne hore oo soo maray dalkaas, halka Muluzi uu isna yahay wiilka madaxweyne kale oo hore.
Midkoodna hadda ka hor ma aanu u tartamin doorashada madaxweynaha.

Guddiga doorashada

Ololaha doorashada ayaa inta badan si nabad ah ku socday iyadoo gudoomiyaha guddiga doorashada Maxon Mbendera, ayaa BBC u sheegtay in ay qaadeen tallaabakasta oo macquul ah oo lagu diyaargaroobayo.
Waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha ah wax isdaba marin sida ay tilmaamayaan warar la isla dhexmarayo, waxa uuna ku adkeystay in doorashada ay noqon doonto mid xor iyo caddaalad ah oo lagu kalsoonaan karo.

Boqollaal goobjoogayaal maxali iyo kuwa caalami ahba ayaa la socon doona doorashada - taas oo ay isu diiwaan galiyeen inay codkooda ka dhiibtaan todoba iyo bar milyan oo Malaawiyiin ah.
Malawi ayaa waxa ay isticmaalaysaa nidaamka doorashada ee cod dheeriga iyadoo musharaxa helaa codadka ugu badan lagu dhawaaqi doono inuu guulaystay.
Sharciyanna ma ay jiri doonto doorasho ku celis ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:09 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada