AMISOM oo ka hadashay sababaha keenay inuu hakad ku yimaado howl galka ka dhanka ah Shabaab

AMISOM oo ka hadashay sababaha keenay inuu hakad ku yimaado howl galka ka dhanka ah Shabaab

daajis.com:-Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aad Xumad ayaa ka hadlay sababaha keenay inuu hakad galo howl galka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolada dalka, kadib markii dhowaan Shabaab laga saaray deegaano ku yaal Koofurta Soomaaliya.

Col. Xumad ayaa sheegay in roobabka guga ee ka curtay gobolada dalka iyo xaalado bani'aadanimo darteed uu hakad u galay howl galka, isla markaana qorshuhu yahay in dhowaan uu bilowdo wajigii labaad ee howl galka.

"Howl galada hakad ayay ku yimaadeen, roobab ka curtay iyo xaalado bani'aadanimo, AMISOM waxay sii wadeysaa caawinaad shacabka"ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Waxaa uu sheegay in inta badan Shabaab ay ka saareen deegaanadii muhiimka ahaa, isla markaana socdo qorshayaal deegaane ku haray gacantooda uga saarayaan sida degmada Baraawe.

Mar uu ka hadlay arrinta ku aadan in saraakiil ka tirsan AMISOM ay tababar ku siiyee xerada Jaziira xubno ka mid ah Shabaab ayuu sheegay in arrintaas ay baahiyeen warbaahinta caalamka, isagoo xusay inay socdaan baaritaano.

"Waa arrin ay baahiyeen warbaahinta caalamka, waana arrin saameysay Saraakiisha AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda, sidaas darteed waxaa socda baaritaan ay dowladda Uganda arrintaas ku heyso"ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

AMISOM ayaa horay ugu dhawaaqday inuu soo gaba gaboobay wajiga koowaad ee howl galka looga saaray Shabaab, markii ciidamada bishii Maarso ay la wareegaan in ka badan shan degmo oo Al-Shabaab ka talinayeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada