Mareeykanka oo canbaareeyay qab qabashada Soomaalida Kenya

Mareeykanka oo canbaareeyay qab qabashada Soomaalida Kenya

daajis.com:-Mareeykanka ayaa si aad ah u canbaareeyay qab qabashada ay Ciidamada Kenya ku hayaan Soomaalida dagan dalkaas, gaar ahaan Xaafada Islii ee magaalada Nairobi.

Kaaliyaha xoghayaha arimaha dibada Mareeykanka ee Arimaha Afrika, ayaa sheegtay in dalkeeda uu Doowlada Kenya u sheegay, ineey badasho sida ay u wado howlgalka, si looga baaqsadoin si xun loola dhaqmo dad aan waxbo galabsan.

Arintaan ayaa timid, kadib markii Soomaali ku nool wadanka Mareeykanka ay cabasho u gudbiyeen Sanatarada iyo xilibaanada laga soo doorto deegaanadooda.

Gudoomiyaha ururka Soomaali Citizen Lead, ahna gudoomiyaha abaabulka Cadaalad u raadinta Soomaalida Kenya Jibriil Afyare, oo wareysi siinayay Idaacada VOA ee Subaxnimo, ayaa waxa uu sheegay in markii ay soo bateen Tacadiyada ay Ciidanka Kenya ku hayaan Soomaalida, ay soo abaabuleen dibad baxyo.


Sidoo kale Jibriil, waxa uu sheegay ineey la kulmeen Madaxda laga Soo doorto Gobolka Minisota, kadibna ay waraaq u qoreen xoghayaha arimaha dibada Mareeykanka John Kerry, taasoo ay uga dalbanayaan, in si deg deg ah dowlada Kenya ay joojiso ku tumashada xuquuqda Soomaalida ku nool dalkeena.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada