Daawo Video-ga:- Maxkamadda Dalka Suudaan Oo Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Haweenay Diinta Islaamka ka Baxday

Daawo Video-ga:- Maxkamadda Dalka Suudaan Oo Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Haweenay Diinta Islaamka ka Baxday

daajis.com:-axkamad ku taal dalka Sudan ayaa dil ku xukuntay haweeney Diinta Islaamka ka baxday, taasoo guursatay nin Kirishtaan ahaa, iyadoo xaakinta Maxkamada uu xukunkan ku dhawaaqay.


Xaakinka Maxkamada ayaa sheegay in Haweeneyda ay saddex maalmood fursad loo siisay inay diinteeda ku soo laabato, hase ahaatee ay ka biya diiday.

Haweeneydan oo uur leh ayay Maxkamada ku xukuntay dal dalaad, iyadoo sidoo kale boqol garbaash lagu xukumay, gaar ahaan inay nin gaal ah guusaray, isla markaana sidaas ku muteysatay inay zineysatay.

Ninka Gaalka ay guursatay haweeneydan ayaa ka soo jeeda Koofurta Sudan oo ah dal horay uga go'ay Sudan inteeda kale.

Safaaradaha reer galbeedka iyo hay'adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa waxay Sudan ugu baaqeen in ay qiimeeyaan xuquuqda haweenaydan uurka leh si ay qaadato diinta ay rabto.


Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in aan haweenaydan la xukumi karin inta ay ka dhalayso isla markaana uu ilmaheedu labo sano ka gaarayo.

Dadka Sudan ayaa ah intooda badan kuwo Muslimiin ah, iyadoo lagu maamulo shareecada Islaamka ah.

Halkaan Riix Ee Daawo Sida Ay Maxkamada U dhacdey:-


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:42 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada