Aqriso Magacyada Sadax Nin oo Al-Shabaab ku toogteen Fagaare kuyaala Gobolka Shabeelaha Hoose

Aqriso Magacyada Sadax Nin oo Al-Shabaab ku toogteen Fagaare kuyaala Gobolka Shabeelaha Hoose

daajis.com:-Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay galinkii dambe waxa ay xukun dil ah ku fuliyeen sadax nin ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawasiis la shaqeysa dowlada Federaaka Soomaaliya iyo Dowlado kale oo gacan siiya Dowlada.

Xukunka dilka ah ee lagu fuliyay sadaxdan nin ee Al-Shabaab jaajuusnimada ku eedeeyeen ayaa shalay galab ka dhacay fagaare kuyaala Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose ,waxaana soo xaadiray goobta dilku ka dhacayay Masuuliyiin katirsan Al-Shabaab iyo shacab aad u badan.

Qaadiga Maxkmada Al-Shabaab ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in Sadaxda nin ay ahaayeen jawaasiis iyo kuwa u shaqeeya Dowlada , Waxaana ku jira Sadaxda nin ay dileen nin ka yimid deegaanada Soomaalida Itoobiya .

1-Cali isxaaq cabdi oo 24 sano jir ahayaa lagu eedeeyay in uu kamid ahaa Ciidamada NabadSugida dowladda Federaalka islamarkaana uu dhowr qof oo Al-Shabaab katirsan gacan geliyay 

2-cusmaan Mahdi Cusmaan oo 33 sana jir ah ayaa isna Shabaab ku eedeeyeen in uu musharax u ahaa gudoomiye ku xigeenka Degmada qoryooley isagoona laqabtay xili maeelshiyaad si hoose u aruursanay si uu sheegay qaadiga Al-Shabaab.

3-Bareele macalin C/Raxmaan oo 31 sano jir ah waxaa lagu eedeeyay fal jaasuusnimo isagoona ka yimid dhanka dhulka soomaaligalbeed Itoobiya waxa ayna Shabaab ku sheegeen in ninkan uu xubina ka ahaa ciidanka Liyuu Booliska.

Al-Shabaab ayaa marar kala duwan xukuno dil ah waxa ay ku fuliyeen dad ay ku eedeeyeen in ay jawaasiis yihiin una shaqeeyaan Dowlada Soomaaliya iyo Dowlado shisheeye oo gacan saar la leh Dowlada Federaalka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada