Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku Diiday Heshiiskii FAVORI

Baarlamaanka oo cod aqlabiyad leh ku Diiday Heshiiskii FAVORI

daajis.com:-Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta cod aqbalabiyad ku diiday heshiiskii lala galay shirkadda Favori ee maamusha garoonka diyaaradaha Mqudisho.


Heshiiskan waxaa shirkadda Favori oo ah shirkad Turkish la galay xukuumaddii hore ee Saacid. Codeyn haddaba loo qaaday heshiiskan ayaa waxaa diiday 124 mudane, halka 13-na kale ay oggolaadeen, 2-kalena ay ka aamuseen.

Baarlamaanka ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay mid aan sharci ahayn, wuxuuna go’aamiyay in xukumadda lagu celiyo.

Shrikaddan Favori ayaa maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho waxay siddeed bilood ka hor kala wareegtay shirkad kale oo lagu magacaabo SKA.


“Waxaa codeysay 139 , Mudane, 124 Mudane waxa ay isku raaceen in la celiyo oo ay ku tilmaameen mid sharci darro ah, 13, waa ay ka aamustay iyo labo mudane oo diiday heshiiska, marka natiijadu ha laceliyo waaye, Xukuumadda ayaana ku celinay” ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa waxa ay sidoo kale ka hadleen in la sii wadi karo ka doodista ajandaha labaad ee shirka oo ahaa mooshinkii ka dhanka ahaa Wasiirka arrimaha gudaha, kaasi oo waqtiga u saamixi waayay in la siiwado, waxaana uu guddoonka u sheegay in ajandahaasi markale laga doodi doono, maadaama waqtigii shirka loogu talagalay in uu dhamaaday

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:15 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada