CAMPIONES:- Ateltico Madrid Oo Ku Guuleysatay La Liga Ka Dib Barbaro Ay Ku Qabteen Barcelona.

CAMPIONES:- Ateltico Madrid Oo Ku Guuleysatay La Liga Ka Dib Barbaro Ay Ku Qabteen Barcelona.

daajis.com:-Atletico Madrid ayaa hanatay koobka horyaalka La Liga markii ugu horeysay muddo 18 sanadood ah ka dib markii ay barbaro ku qabteen Barcelona oo rajo ka laheyd horyaalka kulankii ugu danbeysay La Liga ee xilli ciyaareedka, waxaana ay ciyaarta ku dhameysteen barbaro 1-1 ah xilli Arda Turan iyo Diego Costa ay ka dhaawacmeen bilowgii ciyaarta.

Si taariikhi ah ayay Atletico Madrid iyo tababare Diego Simeone ugu guuleysteen La Liga iyagoo awood uga qaaday kooxaha Barcelona iyo Real Madrid. Halkaasna kuma joogsanayaan waxa ay sidoo kale joogaan finalka Champions League.
Ciyaartaan oo ay soo xaadireen in ka badan 96 kun taageerayaal ah ayaa ku bilaabatay si adag ka hor inta aysan musiibo dhaawac ku habsanin kooxda Atletico Madrid.
Marka hore waxaa dhaawac muruqa ah uga baxay Diego Costa bilowgii ciyaarta, daqiiqado ka dibna waxaa dhaawac uga baxay Ardada Turan kuwaasoo ka xumaaday waqtiga dhaawacooda uu ku soo aaday.

Waxaana xaalada ku sii xumeeyay Atletico Madrid markii hogaanka  ay qabatay Barcelona iyadoo kubad uu soo qaaday Fabregas uu xabadka ku taabtay Messi, waxaana kubada helay Alexis Sanchez kaasoo si fantastik ah shabaqa uga geliyay saqafka kore.
Waxaana qeybtii hore oo isqabqabsi iyo jaalayaal ku dhamaatay lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay kooxda martida loo ahaa ee Barcelona.
Hal daqiiqo ma aysan socon qeybtii labaad markii David Villa uu birta u garaacay Barcelona iyadoo Atletico ay cadaadis saareysay Barca.
Diego Godin ayaana u barbareeyay Atletico Madrid daqiiqadii 49aad markii kooner ay soo tureen uu madax xoogan ku dhaliyay taasoo ciyaarta ka dhigtay barbaro 1-1 ah oo dani ay ugu jirtay Atletico.
Barcelona ayaa iyadana liiska dhinac ka qaadatay markii Sergio Busquets uu ka dhaawacmay ku dhawaad saacad markii ay socotay ciyaarta.
Messi ayaana gool uu dhaliyay waxaa looga diiday offside iyadoo Barcelona ay bilowday bartamihii qeybta labaad inay cadaadiska ku soo wareejiyaan Atletico.

Atletico Madrid ayaana horyaalka La Liga ku qaaday 90 dhibcood ka dib markii ay ciyaarta ku dhameysteen barbaro 1-1 ah, iyadoo Barcelona ay ku niyadjabtay garoonkeeda inkastoo ay dadaaleen.
Taageerayaasha Barcelona ayaana sacab ay u qalmeen Atletico Madrid u sameeyay iyagoo sharfay jabhada Diego Simeone. Tababaraha reer Argentina ayaana noqday tababarihii ugu horeysay ee aan Isbaanish aheyn ee ku guuleysta La Liga tan iyo markii Jorge Valdano la qaaday Real Madrid xilli ciyaareedkii 1994-95.
Waa horyaalkii ugu horeysay ee La Liga tan iyo xilli ciyaareedkii 1995-96 ee ay hantaan Atletico markaasoo tababarahooda haatan Diego Simeone uu ciyaaryahan ka ahaa kooxda.
Sidoo kale waa horyaalkoodii 10aad ee La Liga ee ay hanato Atletico Madrid. Waxaana kooxda caasimada Spain ka dhisan ay u diyaargaroobeysaa finalka Champions League oo ay 24ka bishaan la ciyaari doonaan Real Madrid.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:08 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada