Diego Costa Iyo Arda Turan Oo Ku Dhaawacmay Kulanka Barcelona Iyo Atletico.

Diego Costa Iyo Arda Turan Oo Ku Dhaawacmay Kulanka Barcelona Iyo Atletico.

daajis.com:-Diego Costa ayaa shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo finalka Champions League ka dib markii uu ku dhaawacmay kulanka lagu kala saarayo kooxda hanahaneysa horyaalka La Liga ee Barcelona iyo Atletico Madrid oo haatan ka socota Camp Nou.

Diego Costa ayaa muruqa bowdada uu booday intii ay socotay ciyaarta taasoo u saamixi weysay inuu ciyaarta sii wato waxaana bedelay Adrian Lopez.
Costa ayaa laga dheeha karay inuu ka xun yahay dhaawaca soo gaaray waqtigaan iyadoo kooxdiisa ay haatan u dagaalameyso La Liga islamarkaana ay Champions League finalka 24ka May la ciyaari doonto Real Madrid.
Costa ayaana la arkayay isagoo ku ooyaya kursiga keydka kooxdiisa, waxaana la filayaa in Atletico Madrid ay warbixin ka soo saarto dhaawaca Costa.

Sidoo kale Ardada Turan ayaa dhaawac kaga baxay Atletico Madrid kaasoo isna awoodi waayay inuu ciyaarta sii wato. Isagana sidoo kale waxaa ka muuqatay inuu ka xun yahay dhaawaca waqtigaan xun soo gaaray.
Bn2buxQIEAATKnn


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada