Daawo Sawirada Jaamacadda SIMAD oo maanta furtay Toddobaadka Dhaqanka (Cultural Week)-

Daawo Sawirada Jaamacadda SIMAD oo maanta furtay Toddobaadka Dhaqanka (Cultural Week)-

daajis.com:-Munaasabadda Furitaanka Toddobaadka Dhaqanka oo maanta lagu qabtay xarunta weyn ee jaamacadda waxaa ka qeyb galay wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta sare, Abwaanno iyo fannaaniin Soomaaliyeed, qoreyaal, waalidiin, macallimiinta, maamulka iyo ardayda jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.


Hormuudka xafiiska arrimaha ardayda ee jaamacadda SIMAD C/raxmaan Axmed Muudeey oo hadal ka jeediyay furitaanka bandhiggan ayaa sheegay in ardaydu ay ku tartami doonaan Ciyaaro, Suugaan, Qur’aan akhris iyo dodo dhexdooda ah, kuwaas oo socon doona muddo toddobaad ah ayado dadka ku guuleysta ay jaamacaddu abaal marin siin doonto.

Qaar ka mid ah ardayda jaamacadda ayaa ciyaaraha ay Soomaalidu dhaqanka u leedahay ku soo bandhigay madasha, ayadoo Fanaanadda Qaran ee Hibo Maxamed Huddoon (Hibo Nuura) ay tix gabay ah oo ay uga hadlayso qiimaha dhaqanku ugu fadhiyo bulshadeena ka soo jeedisay madasha. Sidoo kale waxay baraarujisay maamulka jaamacadda SIMAD iyo ardayda isku howlay inay soo bandhigaan kuna tartamaan dhaqankeena.

Guddoomiyaha ururka qalinleyda Soomaaliyeed Maxamed Daahir Afrax oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in soo nooleynta dhaqanka iyo afka dadka ay tahay arrin ay masuuliyadi ka saran tahay dhammaan inta wax baaratay, isagoo sheegay in ururkoodu uu ku howlan yahay sidii loo sameyn lahaa olole dib loogu xoojinayo afka Soomaaliga.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada