Ciidamo lagu soo tababaray dalka Uganda oo la sheegay inay ku biireen Al-Shabaab

Ciidamo lagu soo tababaray dalka Uganda oo la sheegay inay ku biireen Al-Shabaab

daajis.com:-Ciidamo dowladda Soomaaliya loogu soo tababaray dalka Uganda ayaa la sheegay inay ku biireen Xarakada Al-Shabaab, kadib markii 3,600 askari oo kol hore lagu soo tababaray dalkaas ay qaar ka mid ah ka mid noqdeen dagaalyahanada Shabaab.


Qaar ka mid ah warbaahinta Caalamka ayaa baahiyay wararka sheegaya in ciidamo lagu soo tababaray dalka Uganda oo ahaa ciidamadii Soomaalida ee qaatay tababarkii ay bixinayeen Saraakiil ka socday Midowga Yurub.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Uganda ayaa beeniyay arrinta ku aadan in ciidamo lagu tababaray dalkooda ku biireen, iyadoo la sheegay in sarkaalkii ugu sareeyay dhinaca tababarka shaqada laga eryay.

Telefishinka Press TV ee laga leeyahay dalka Iiraan ayaa baahiyay muuqaal muujinaya dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo tababar ku soo qaatay dalka Uganda.

Inkastoo howl galka tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho, hadana saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ayaa loo heystaa inay tababar ku siiyeen xerada Jaziira, waxaana saraakiishaas la filayaa in maxkamad la soo taago.

Dowladda Uganda ayaa ahaa dalkii u horeeyay ee ciidamo u soo diray Soomaaliya sanadkii 2007-dii, iyadoo tan iyo xilligaas looga dilay Soomaaliya in ka badan 2,000 askari sida ay qoreen warbaahinta caalamiga.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada