Dowladda Soomaaliya oo mooskii ugu badnaa muddo sanado ah ka dhoofisay Dekeda Muqdisho

Dowladda Soomaaliya oo mooskii ugu badnaa muddo sanado ah ka dhoofisay Dekeda Muqdisho

daajis.com:-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mooskii ugu badnaa muddo toban sano ah ka dhoofiyeen Dekeda Muqdisho, iyadoo loo dhoofiyay dalalka Kuwait iyo Imaaraadka Carabta.

Mooskan ayaa beeraley Soomaaliyeed ka keeneen beero ku yaal Gobolada Shabeelooyinka, iyadoo si tijaabo ah loogu dhoofiyay Suuqyo ku yaal Dubai iyo Kuwait.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya Cabdi Axmed Maxamed Baafo ayaa sheegay in mooskan lagu sahminayo suuqyada qaliijka, isla markaana beeraley Soomaaliyeed iyo Ganacsato ay iska kaashadeen inay dhoofiyaan.

"Mooskan waa tijaabo, waxaa lagu sahminaya suuqyada khaliijka, si loo iib geeyo, mar walbana loo dhoofiyo, waxaa hada Dekeda Muqdisho laga dhoofiyay ilaa 78-tan oo ah ilaa lix konteenar ah"ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabada lagu dhoofiyay mooska ay sahli doonto in kheyraadka dalka ka soo go'a loo dhoofiyo dalka dibadiisa, isla markaana ay dib u soo laabato ganacsigii Soomaaliya ku laheyd caalamka.

"Mooskan waxaa laga kala keenay Balcad, Afgooye, Awdheegle iyo janaale"ayuu hadalkiisa ku sii daray Wasiirka Beeraha.

Soomaaliya ayaa caan ku aheyd dhoofinta Mooska oo la geyn jiray dalal badan oo carabta iyo kuwa kale isugu jiray, iyadoo tanina ay dhiira gelineyso wax soo saarka iyo kheyraadka dalka in loo iib geeyo dalalka caalamka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada