Layaabka:- Soomaalidu way kala cabaneysaa, iyagana waa laga cabanayaa !!!

Layaabka:- Soomaalidu way kala cabaneysaa, iyagana waa laga cabanayaa !!!

daajis.com:-Xildhibaanadu Madaxweynaheey ka cabanayaan, Madaxweynuhuna Beesha Caalamkuu ka cabanayaa, Wasiiraduna Xildhibaanadeey ka cabanayaan, iyagana shaqaalahoodaa ka cabanaya, Dowladu Maamul Goboleedyadey ka cabaneysaa, Maamul Goboleedyaduna iyagaa kala cabanaya, Saraakiil xigeenadu Jananadeey ka cabanayaan, Ciidamduna mushaar la’aan bey ka cabanayaan, Gaadiidleyduna Isbaareey ka cabanayaan.

Hantiilayaashu Cadaaladeey ka cabanayaan, Ganacsataduna laaluush bey ka cabaneyaan, iyagana sicir barar baa looga cabanayaa, Qurba joogta waa laga cabanayaa, Iyaguna Qurac joog bey ka cabanayaan, Waxbarashadu lacag la’aan bey ka cabaneysaa, Bulshaduna shaqa la’aan bey ka cabanayaan, Gabdhuhu Garoobnimeey ka cabanayaan, Garoobaduna been beey ka cabanayaan, Guurkii hore kan danbuu ka cabanayaa, Martiduna Xabadaha la rideey ka cabanayaan.

Wadaadadii hore kuwa danbeey ka cabanayaan, Kuwii danbana ardadoodeey ka cabanayaan, Ardaduna cilmi yari bey cabanayaan, Cilmiguna barasha la’aan buu ka cabanayaa, Dawladaha darisku Shabaab bey ka cabanayaan, Shabaabkuna joogitaankoodeey ka cabanayaan, Xoogsatada Soomaalidu Ajaanibteey ka cabanayaan, Turkiguna wixii uu dhiso in dib loo burburiyuu ka cabanayaa.

Wariyayaashu Mulkiilayaasheey ka cabanayaan, Ilo wareedyaduna sharuur bey ka cabanayaan, Fanaaniintii hore kuwa danbey ka cabanayaan, Kuwa danbana daycatir la’aanta Tiyaatarkeey ka cabanayaan, Basasku Caasiyadeey ka cabanayaan, Tagaasiduna Bajaajkeey ka cabanayaan, Maqaayadahii hore Hoteeladeey ka cabanayaan, Hodheeladuna Cuntada raqiiskaa bey ka cabanayaan, Dhalinyaradu Nabad sugideey ka cabanayaan, Nabad sugiduna dilalkiyo Qaraxyadeey ka cabanayaan.

Shacabku Amni xumeey ka cabanayaan, Hey’adaha Amniguna Shacabkeey ka cabanayaan, Kooxda badda gashaa wey cabanayaan, iyagana Burcadnimaa looga cabanayaa, Qaadka Kenya waa laga cabanayaa, dadka ka ganacsadaana in la joojiyeey ka cabanayaan, Kuwa ruugaana jeebkiyo Gowsaheey ka cabanayaan, Soomaalida qurbahu wey cabanayaan, iyagana argagaixsaa tihiin baa looga cabanayaa, ugu danbeyntii Faceboog-ka qudhiisa wuu cabanayaa, dadka wax lagu soo taag gareeyana wey cabanayaan, Cabashaduna wey cabaneysaa, ee Soomaaliyeey ma sidaas baan u kala cabannaa ilaa cabashadu noo soo cabato…………!!!

Abdulkadir Farah Dulyar
Dulyar23@gmail.com

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada