DAAWA SAWIRADA:- Hormuud Telecom Foundatin oo qeybtii labaad oo qoyasas barakacayaal ah lacago u qeybisay.

DAAWA SAWIRADA:- Hormuud Telecom Foundatin oo qeybtii labaad oo qoyasas barakacayaal ah lacago u qeybisay.

daajis.com:-Shirkada Isgaarsiinta Hormuud qeybteeda u qaabilsan Gargaarka Shacabka Soomaaliyeed kuwooda tabaaleysan ee Hormuud Telecom foundation ayaa maanta deeq lacageed u qeybisay qeybtii 2aad qoysas barakacayaal ah oo ku sugnaa degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho. 

Qoysaskan ayaa ka mid ah tiro dad Shacab oo hore uga soo barakacay Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Tuulooyin hoostaga Degmada Qoryooley.

Madaxa Hay’adda Hormuud Telecom Foundation C/llaahi Nuur Cismaan oo Saxaafada kula hadlay goobta ay deeqda lacageed ku bixinayeen ayaa faahfaahin ka bixiyay qaabka loo bixiyay lacagtaasi loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska danyarta ah ee ku Nool duleedka Muqdisho.

C/llaahi Nuur Cismaan Madaxa Hay’adda Hormuud Telecom Foundation ayaa waxuu sheegay in deeqdani lacageed ay tahay qeybtii labaad ee ay bixiyaan, isagoo xusay in qoysaska Deeqda la gaarsiiyay in tiro ahaan gaarayaan 200 oo qoysm, isagoo xusay in maalmo ka horna halkaas ay ka qeybiyeen lacag ugu qeybiyeen illaa 300 oo qoys, iyadoo qoys walba la gaarsiiyey $100 (Boqol dollar).

“Hormuud maaha heyad kheyri ah waa shirkad ganacsi, ujeedada aan kaalmooyinka iyo mashaariicda ugu sameyneyno dadka dhibaateysana waxay tahay in faa’iidada shirkadu hesho qeyb ka mid ay dib ugu celiso bulshada gaar ahaan kuwa dhibaateysan” ayuu yiri C/llaahi Nuur Cismaan oo intaa ku daray iney sii wadi doonaan kaalmada ay la garab taagan yihiin shacabka xili kasta iyo meel kasta.

Dhinaca kale, Maamulaha Shirkada Hormuud u qaabilsan Degmada Qoyooley oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in la caawiyo dad danyar ah oo u baahan sida uu sheegay Kaalmo bini’aadanimo isagoona Madaxda Hormuud foundation ugu hambalyeeyay taageerada ay la garab taagan yihiin dadka masaakiinta ah.

Qoysaskaas tabaaleysan ee la gaarsiiyey kaalmadan ayaa si aad ah uga mahadceliyay deeqdan Lacageed ee uga timid Shirkada Isgaarsiinta Hormuud qeybteeda deeq bixinta, iyagoo xusay iney si weyn ugu baahi qabeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com








Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:11 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada