Dhinacyadii ku dagaalamay Beledxaawo oo wali is hor fadhiya iyo Ciidanka Itoobiya oo ka baxay

Dhinacyadii ku dagaalamay Beledxaawo oo wali is hor fadhiya iyo Ciidanka Itoobiya oo ka baxay

daajis.com:-Xiisad ayaa wali ka jirta degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaasoo shalay ay ku dagaalameen ciidamo ku loolamaya gacan ku heynta degmada, iyadoo dhaq dhaqaaqii ganacsiga iyo isu socdka uu hakad ku jiro.

Sida ay sheegayaan wararka labada ciidan ayaa ku sugan gudaha degmada, iyagoo is hor fadhiya, waxaana jirta cabsi laga qabo in dagaal uu ka dhex qarxo labada dhinac.

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada ciidan ee isku haya magaalada ay gurmadyo uga kala imaanayaan degmooyinka Garbahaarey iyo Doolow.

Ciidamadii Itoobiya ee ka midka ahaa AMISOM ayaa la sheegay inay isaga baxeen degmada, iyagoo aaday dhinaca xuduuda, waxaana la tilmaamay inay isaga kala dhex baxeen labada ciidan ee dagaalka u dhaxeeya.

Dagaalka ka dhacay Beledxaawo ayaa salka ku haya gacan ku heynta degmada, iyadoo ciidamada ka yimid dhanka Doolow ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha degmadaas ahna Wasiir ka tirsan Maamulka Jubba uu doonayo in degmada Beledxaawo ay hoos tagto Maamulka KMG ah ee Jubba.

Sarkaal ka tirsan Ahlusuna oo xulufo la ah ciidamada dowladda ee deegaanka gacanta ku haya ayaa ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu hurinayo dagaalada, isla markaana ciidanka soo weerarayo uu hubeynayo, si magaalada ay u qabsadaan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya, iyadoo xiisada ka taagan Beledxaawo ay sii xoogeysaneyso, waxaana soo baxaya cambaareyn loo jeedinayo dhinacyada ku dagaalamaya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada