Daawo Muuqaal:-Dad weynaha reer Khaatumo oo wacdaro ka dhigay maalinta qashinka deegaanada Maamulka Khaatumo!!

Daawo Muuqaal:-Dad weynaha reer Khaatumo oo wacdaro ka dhigay maalinta qashinka deegaanada Maamulka Khaatumo!!

daajis.com:-Qaar ka mid ah deegaanada ay sheegto inay gacanta ku hayso maamulka Soomaaliland ayaa waxaa la sheegay inaan laga xusin oo aan loo dabaaldegin maalinta 18ka May laakiin badalkeeda loo aqoonsaday maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska iyadoona degaanadaas laga sameeyo maalintaas olole nadaafadeed oo baaxad weyn. 


Maalinta 18ka May oo looga yaqaano deegaanada ay maamusha Soomaaliland maalin qiimo iyo qadarin mudan oo ku astaysan gooni isku taago Soomaaliland islamarkaana xaflado iyo munaasabado kala duwan oo lagu weyneynaayo maalintaas ay ka dhacaan deegaanada maamulkaas iyo meelo badan oo ka mid ah dunida guudkeeda ayaa waxaa jira in qaar ka mid deeganada ay sheegato Soomaaliland in maalintaas looga yaqaano maalinta NADAAFADA iyo qashin aruuriska , deegaano ay ka mid tahay magaalada Buuhoodle ayaa waxay maalintaas u yaqaana inay tahay maalinta qashin aruurinta iyo la dagaalanka wasaqda, Deegaanadaan oo u muuqda kuwa ka soo horjeedo inay Soomaaliland ay ka go'ado dalka Soomaaliya islamarkaana ay midnimada dalka Soomaaliyeed ay tahay muqadas ayaa halkii ay soo dhaweyn lahaayeen maalintaas waxay badalkeeda ay doorbideen inay ugu magacdaraan maalinta nadaafada iyo qashin aruuriska, iyadoona degaanadaas maalintaas oo kale sanad walba laga sameeyo olole nadaafadeed oo baaxad weyn oo qashinka looga nadiifinaayo, 

Ugu danbeyntiina iyadoo sida muuqato qaar badan oo ka mid ah dadka ku nool degaano ay sheegto inay ka maamusho oo ay ka taliso Soomaaliland ay ka soo horjeedaan in Soomaaliland laga gooyo dalka Soomaaliya, ayaa waxaa jira muran iyo qab qabsi baaxad weyn oo ka taagan arintaas iyadoona deegaano ay sheegtaan maamulka Soomaaliland inay ka mid yihiin ay ka jiraan maamul la magac baxay Khaatumo iyo Awdal State iyadoona ay arimahaas ka mid yihiin dhibaatooyinkii ka dambeeyey bur burkii dalka Soomaaliya. 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:06 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada