Madaxweyne Xasan Sh. oo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida

Madaxweyne Xasan Sh. oo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida

daajis.com:-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto kasoo baxday xafiiskiisa ku magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, kaasoo loo magacaabay G/Sare Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare "C/raxman Cumda" oo horay ugu tirsanaa Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka. Waxayna wareegtadaas u qorneyd sidan:.

Magacaabid Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.

Markuu ArkaY: Qodobka 87,Faqradda 2aad ee Dastuurka J.F.S.

Markuu Arkay: Xeer Lr. 15 ee soo baxay 6da Abriil 1960 kuna saabsan Dhismaha Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kadib Markii: Ay bannaanaatay Jagada Xilka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS

Markuu Arkay: Soo jeedinta Wasiirka gaashaandhigga Lr. WG/088/14, taariikh 23/04/2014
Markuu Tixgeliyay: Aqoonta uu leeyahay sarkaalka la magacaabayo Wuxuu soo saaray Xeerkaan:
Qodobka 1aad

Waxa G/Sare Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare "C/raxman Cumda" loo magacaabay in uu noqdo  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee CQS

Qodobka 2aad
Waxa uu Xeerkaan dhaqangalayaa marka uu Madaxwaynuhu saxiixo, waxaana lagu soo daabici doonaa Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya.

G/Sare Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare wuxuu horay ugu tirsanaa  saraakiisha hey’adda Nabad Sugida iyo sirdoonka Qaranka, isagoo kasoo noqday hogaanka baarista dambiyada iyo xilal kale oo uu kasoo qabtay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada