Daawo Sawirada:- Qorshe la doonayo in lagu ogaado tirada Dadka Soomaaliyeed oo socda

Daawo Sawirada:- Qorshe la doonayo in lagu ogaado tirada Dadka Soomaaliyeed oo socda

daajis.com:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qeyb galay Siminaar lagu soo bandhigayey qiyaasta tirada dadka Soomaaliya oo ay si wadajir ah u fuliyeen Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamka iyo Sanduuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadka (UNFPA).

Wasiirka Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamka Mudane Siciid C/laahi Dani oo ugu horrayn kulanka ka hadlay ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee soo maray barnaamijkaan, isagoo dhinaca kale sheegay mudadii lagu jiray hawshaan inay u duruufo adaga kala kulmeen dadkii ka shaqaynayey barnaamijkaan,

“Siminaarkaan qiima weyn ayuu u leeyahay dalka, wuxuuna ka turjumayaa qorshe hawleedkii Xukuumaddu soo jeedisay, kaas oo saldhiguusu yahay in dib loo abaabulo hey’adihii dawladda si waajibka bulshadooda ka saaran u gutaan, barnaamijkaan wuxuu ka koobanyahay daah fur sahan tirakoob oo dalka si horudhac ah looga sameeya, xogtaan hada la hayana maahan middii rasmiga ahayd ee dalka, balse waa isku day, mudane Ra’iisul Wasaaraha barnaamijkaan maanta intii aan wadnay dad baa u dhintay kuwa kalana waa u dhaawacmeen meelaha la tagay badankoodu maahan kuwa ammaan ah ama dawladdu gacanta ku hayso” ayuu yiri Wasiirka Qorshaynta.


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo furitaankii munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa xusay isku dayga laga sameeyay qiyaasta tirada dadka Soomaaliyeed inay fududaynayso in la ogaado guud ahaan tirada dadka Soomaaliyeed oo wixii ka danbeeyay dawladdii dhexe ee Soomaaliya aan lagu samayn tirakoob rasmi ah.







FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada