daajis.com:-Dhalinyaro Soomaali ah oo dhacdo naxdin iyo murugo leh ay ka qabsatey xeebaha dalka Australia ka dib markii ay isku dayeen inay qaxooti ahaan ku galaan dalka Australia ayaa markii ugu horeysay waxay ka sheekeeyeen sida naxariis darada ah ee ay ula dhaqmeen ciidamada ilaalada bada ee dalkaas Australia ayadoona ay dhalinyaradaas ay sheegeen in la garaacay islamarkaana gacmaha looga gubay bir kulul loona diiday inay musqul galaan.
Dhalinyaradaan Soomaaliyeed oo ay weheliyaan qaxooti kale oo ka kala yimid wadamo ay ka mid yihiin Suudaan ayaa horaantii sanadkaan damacasanaa inay doon ku galaan dalkaas Australia laakiin intii ay bada sii marayeen ayaa waxay la kumeen duufaan taas oo keentay in 4 ka mid ah dhalinyaradii la socotey doontaas oo laba ay yihiin Soomaali ay ku dhacaan biyaha bada, Qaxootigaan oo martkii ay nafta u yabeen ku degay meel Jasiirad ah ayaa qeylo dhaan ee dirsadeen ka dib waxaa halkaas ku soo gaarey ciidamada dalka Australia laakiin ciidamadii soo gaarey goobtaas ayaa waxay kala kulmeen jirdil iyo inay garaacaan maadaama ay diideen inay ku noqdaan doontii waday iyadoona ay walibana ay qaxootigaas ay isku dayeen inay qaribaan ama ay haleeyaan matoorka doonta waday si aysan u qaadin doontaas laakiin arimahaas oo dhan ayaa waxba ka caawin qaxootigaas
Ugu dambeyntiina iyadoo qaxootigaas Soomaaliyeed ay ku shegeen waxa ku dhacay dhibaato aan la iloobi karin ayaa mid ka mid ah qaxootigaas Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Emaad Cabood waxaa uu sheegay inuu walaalkiis ka yar oo la oran jirey Maxamed uu ku jirey dhalinyarada bada ku dhacday habeenkaas asagoo sidoo kalena sheegay inuu ka codsanaayo dowlada dalka Australia inay meel ku sheegaan walaalkiis nolol ama geeri, Laakiin dowlada Australia ayaa gebi ahaanba ku tilmaantey been la dhoodhoobay oo aan waxba ka jirin in qaar ka mid ahaa qaxootigaas ay ka dhaceen doontii waday, Qaxootigaan oo hada dhamaantood dib loogu soo celiyey dalka Indonesia oo ay markii horeba ka soo ambabaxeen ayaa waxay hada ku jiraan xabsi lagu xiro dadka qaxootiga ah ee ku yaala magaalada Tanjung Pinang ee dalkaas Indonesia, Dowlada dalka Australia oo horey udifaacday ciidamadeeda kuna tilmaantey kuwo gudanaayey waajibkooda ayaan la ogeyn inay wax ka qaban doonto ciidamadii u geystay dhibkaas qaxootigaas maadaama hada la hayo cadeymo ku filan dhaqan xumada ciidamada bada ee dalkaas Australia.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at