daajis.com:-Ciidamada AMISOM iyo kuwa DF oo Bishii hore la wareegay Qoryooleey, ayaa waxay dhib badan kala kulmayaan in dagaalyahanada shabaab ay ka nadiifiyaan deegaanada ku xeeran Qoryooleey.
Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah AMISOM, ayaa subaxnimadii Talaadada lasoo dhaafay, markii ugu horeeysay Hawada u diray Diyaarad Nuuca Drones-ka ah, si ay Macluumaad uga soo aruuriso Haraadiga shabaab ee ku dhuumaaleeysanaya dhulka Keymaha ah.
Ciidamada is garabsanaya ayaa 2 bil ee ugu danbeysay shabaab kala wareegay magaalooyin farabadan, laakiin qatarta shabaab wali waa mid jirta.
Dickson Arineitwe, oo ah askari katirsan Ciidamada Uganda, ayaa waxa uu shaashada ka eegayaa muuqaal ay soo gudbisay diyaarada Droneka, waxa uu arkay koox rag ah oo loo maleeyay dagaalyahanada shabaab, markii ay rasaas ku fureen ciidamadana waa ay dhuunteen.
Inta badan shacabkii ku noolaa Qoryooleey, ayaa isaga barakacay, laakiin dadka ayaa hada si tartiib tartiib ah ugu soo laabanayo magaalada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:30 and have
, Published at