Daawo Muuqaal:- Gabar Somali-Canadian ah oo Lugteeda ku waysay weerarkii xarunta Westgate oo Lug loo Sameeay!!

Daawo Muuqaal:- Gabar Somali-Canadian ah oo Lugteeda ku waysay weerarkii xarunta Westgate oo Lug loo Sameeay!!

daajis.com:-Gabar Somali-Canadian ah oo uu dhaawac halis ah uu lugta kaga soo gaarey weerarkii Alshabaab ay ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Westgate mall ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa la sheegay inay ka bogsaneyso dhaawacii soo gaarey ka dib markii laga gooyey lugtii ay ka dhaawacantay oo loo galiyey lug caag ah kaas oo ay si caadi ah ay hada ugu socoto gabadhaas. 


Gabadhaan Soomaalida ah oo lagu magacaabo Fardoowsa Cabdi oo 17 sano jir ah ayaa waxaa la sheegay inuu dhaawac halis ah uu ka soo gaarey lugta ka dib markii uu ku qarxay bambo ay ku soo tuureen maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ee weerarka ku qaaday bishii Septembar ee sanadkii hore xarunta ganacsiga ee Westgate mall ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya xilli ay gabadhaas iyo walaasheed ay ku sugnaayeen xaruntaas ganacsi ee weerarka lagu qaaday, Gabadhaan Soomaalida oo si xun ay uga dhaawacantay lugteeda midigta ayaa waxaa loo suu duuliyey magaalada Toronto ee dalka Canada ka dib markii ay dhaqaatiirta dalka Kenya ay wax ka qaban waayeen dhaawaceeda, Gabadhaan oo martey ilaa iyo dhowr jeer oo qaliin ah ayaa waxaa markii dambe dhaqatiirtu ay u sheegeen inaan lugeed wax laga qaban karin in la gooyo ma ahanee iyadoona ay gabadhaas la tashiyo badan ka dib ay go'aansatey in la jaro lugteeda si ay nolosheeda ay horey ugu sii wadato. 

Ugu dambeyntiina iyadoo gabadhaas Soomaaliyeed ay hada ka soo kabaneyso dhibaatadii ka soo gaartey weerarkaas ay maleeshiyaadka kooxda Alshabaab ay ku qaadeen xaruntaas ganacsi ayaa waxay hada ku jirtaa dhaqan celin iyo ka soo kabasho ku saabsan sidii ay ula qabsan lahayd lugteeda cusub ee caaga ah ee loo galiyey si ay ugu socoto, Gabadhaan ayaa waxay sheegtay inuu ku ahaa go'aan aad u culus inay qaadato in laga jaro lugteeda, Laakiinse waxay sheegtay oo kale inay doorbideyso inay ku noolaato lugtaan caaga ah intii ay mudo sanooyin badan ah oo ilaa iyo 5 sano oo kale ah ay ku sii jiri lahayd isbitaalka iyo qaadasho daawooyin joogto ah hadii aan lugtaas laga gooynin arintaas oo ay ku tilmaantey inay dib u dhac weyn u keeni lahayd nolosheeda halka ay hada ay si dhaqso leh ay u biloowday iskoolkeeda islamarkaana ay rajeynayso inay ka daba tagto oo ay la qabsato iskoolkeeda dhaafay xilligii ay ahayd dhaawaca ee ay ku jirtey isbitaalka. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada