Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Odayaasha soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka+Sawirro

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Odayaasha soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka+Sawirro

daajis.com:-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay gelinkii dambe kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyadda Qaranka Soomaaliyeed Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed.


Madaxweynaha ayaa marka hore Duubaabka Soomaaliyeed uga warbixyey sababaha uu ugu yeeray islamar-kaana u sheegay in ujeedada kulanka tahay wada-tashi, talo-bixin iyo hiigsiga mustaqbalka dalka. “Dalab gaar ah ee uu Madaxwewyni wato ma jiro ee kala warqaadasho iyo talo ayaan idin kugu yeeray gogoshaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya

Ka dib talooyinka ay soo jeediyeen . Duubabka Soomaaliyeed ee galabta kulanka la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ballan-qaadeen inay Dowladda si dhaw ula shaqeyn doonaan .

Madaxweynaha iyo Odayaasha ayaa ka wada hadlay qorshe Xafiiska Madaxweynaha uu waday kaasi oo ahaa in Duubabka Soomaaliyeed loo qaado qaar ka mid ah Wadamada Qaaradda Afrika oo horay dagaallo u soo maray si waayo aragnimo looga soo qaato. Maadaama in ku dhow rubac qarni ay ka soo wareegatay burburkii Dowladdii Soomaaliyeed marka la gaaro Janaayo 2015. Odayaasha Dhaqanka ayaa soo dhaweyeen arrinkan.

Madaxweynaha ayaa yiri. “Dowladdii aad soo dhisteen dhinaca siyaasadda iyo dhinacyo kalaba horumar ballaaran ayey ka sameysay, Mashaakilaad maalintii Dowladdu aad dhiseyseen aanan jirin ayaa hadda jira. Waad og-tihiin Shabaab degaano badan ayaa laga saaray. Mar haddii Shabaab degmo am degaan laga saaro mushkilad ayaa meesha ka imaaneeysa, anagu waxaan dooneynaa in Odayaasha Dhaqanka in arrimahaasi Dowlada kala shaqeeyaan deegaanadaasna ka warqabaan”.

Dhinaca kale Odayaasha dhaqanka ayaa kulan ay maalin ka hor ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa waxay ku kala qeyb sameen talo soo jeedintii Xildhibaanada ee ku aadaneyn in Madaxweynaha uu is casilo, waxaana arrintan keentay in odayaasha ay labo u kala jabeen, markii qaarkood ay taageereen baaqii Xildhibaanada.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com










Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:33 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada