Gabar Soomaaliyeed oo lagu helay in ay taageertay Al-Shabaab oo lagu xukumay in ay todobaad walba sameyso shaqo lagu caawinayo jaaliyada Soomaaliyeed..

Gabar Soomaaliyeed oo lagu helay in ay taageertay Al-Shabaab oo lagu xukumay in ay todobaad walba sameyso shaqo lagu caawinayo jaaliyada Soomaaliyeed..

daajis.com:-Maxkamada magaalada Minneapolis ee Dalka Mareykanka ayaa shalay xukun ku riday Gabar Soomaaliyeed oo qiratay in ay taageero siisay Dhalinyaro ka tagay Dalka Mareykanka oo ku biiray Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Saynab Xuseen oo ah Gabar 24-sano jir ah ayaa qiratay in ay gashay dambiga loo heesto ee ah in ay taageertay Dhalinyaro katirsan Al-Shabaab ayna qeyb ka aheed ololihii lacagaha loogu uruuriyay dhalinyaro ka tagtay Mareykanka oo ku biiray Al-Shabaab.

Maxkamada Minneapolis kutaala ayaa gabadhan ku riday Xukun Sadax Sano oo banaan joog ah, Waxaa sidoo kale gabdhan lagu xukumay in todobaad walbo ay sameeso shaqo lagu caawinayo Jaaliyada Soomaaliyeed ee kunool Minneapolis .

Gabadhan Soomaaliyeed ayaa xukunka loo qafiifiyay waxaa sabab u ahaa kadib markii Sanadkii hore ay qiratay dambiga loo heesto ee ahaa in ay taageertay Al-Shabaab waxa ayna taa badalkeeda dalbatay in la cafiyo.

Xukunka lagu riday Gabadhan Soomaaliyeed ayaa wax badan ka badalan xukuno Dowlada Mareykanka horey ugu riday Soomaali badan oo lagu helay in ay taageereen Al-Shabaab ayna lacago u direen. 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:37 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada