Dalalka Britain, France iyo Australia oo uga digay muwaadiniintooda inay tagaan Kenya

Dalalka Britain, France iyo Australia oo uga digay muwaadiniintooda inay tagaan Kenya

daajis.com:-Dalalka Britain, France iyo Australia ayaa uga digay muwaadiniintooda inay tagaan goobaha loo dalxiis tago ee ku yaala dalka Kenya.

War ka soo baxay Wasaaradaha dalalka Britain, France iyo Australia ayaa lagu sheegay in muwaadiniintooda ay ka digtoonaadaan khatar dhinaca ammaanka ah oo uga imaaneysa goobaha loo dalxiis tago ee dalka Kenya, iyagoona sheegay in xaaladda ammaan ee dalalka Kenya ay tahay mid aan hagaagsaneyn xilligaan.

Sidoo kale dalalka saddexda ah ayaa muwaadiniintooda ku sugan dalka Kenya iyo kuwa haatan doonaya inay tagaan waxay ku amreen inay si degdeg ah uga baxaan dalka Kenya, bacdamaa sida ay sheegeen laga cabsi qabo inay ka dhacaan weeraro kooxaha argagixisada ah ka geystaan goobaha muhiimka ah.

Dhinaca kale digniinta dalalkaan ayaa ku soo beegantay xilli dhowaan magaalada Nairobi ay ka dhaceen qaraxyo galaaftay nolosha dad fara badan, waxayna dalalka soo saaray digniintaan ay u sheegayaan muwaadiniintooda inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:39 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada