Daawo Muuqaal:- Garoomada kubada cagta oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku soo bateen arin mucjiso iyo la yaab leh!!

Daawo Muuqaal:- Garoomada kubada cagta oo mudooyinkii ugu dambeeyey ku soo bateen arin mucjiso iyo la yaab leh!!

daajis.com:-Garoomada kubada cagta aduunka ayaa waxaa la sheegay in mudooyinkii ugu dambeeyey ay ku soo bateen arin mucjiso iyo la yaab leh ka dib markii si caadi ah loogu arkay oo ayna kaamiradu si toos ah ay u qabatey Jini ku sugan garoomadaas arintaas oo yaab iyo amakaag ku reebtay qaar badan oo ka mid ah dadka aduunka. 


Garoomada kubada cagta ee ku kala yaala wadamada Jarmalka iyo Bolivia ayaa waxaa la sheegay in mudo bil gudahooda ah lagu arkey wax lagu sheegay inay yihiin Jini oo garoomadaas soo xaadirey , Jinigaan ayaa markii ugu dambeysay waxaa uu ka soo muuqday ciyaartii fiinaalka ee koobka Jeneraal daa'uudka dalka Jarmalka ee dhawaantaan dhexmartey kooxaha kala ah Bayern München iyo Borussia Dortmund, xilligii lagu gudo jirey ciyaartaas ayaa waxaa ka soo muuqday kaamirada oo ay qabatey reer aakhiraad ku dhex jira garoonka iyadoona markii dambe uu goobtaas ka baxsaday, Sidoo kale ayaa waxaa kol hore lagu dhex arkay garoon ku yaala dalka Bolivia oo ay ka socotey ciyaar ka tirsanayd koobka Copa Libertadores (oo ah mid la mid ah Champions League wadamada ku yaala South America) oo u dhexaysay kooxaha kala ah Defensor Sporting iyo kooxda The Strongest ayaa waxaa mar qura goraankaas lagu arkay oo ay kaamiraduna ay qabtey hoos madoow oo dhex ordaaya tarbuunka ay fadhiyeen taageerayaasha kooxdaas, Hooskaas ayaa waxaa uu u muuqday mid ku dul ordaaya dadkii daawanaayey ciyaartaas. 

Ugu dambeyntiina iyadoo waxyaabahaas mucjisada ah ee lagu arkay garoomadaas ay yaab iyo amakaag ay ku noqotey qaar badan oo ka mid ah dadka aduunka ayaa waxaa jira inay dadka qaar ay ka muujiyeen shaki waxaa ay indhahoodu ay qabteen oo ay ku sheegeen inaysan aaminsaneyn, Laakiin qaar kale oo ka mid ah dadka aduunka ayaa waxay shegeen inay si cad ay ugu muuqata muuqaaladaan mucjisada ah oo aanan la dafiri karin, Laakiin si kastaba arintu ha ahaatee waxaan shaki ku jirin inay muuqaaladaas ay muujinayaan waxyaabo aan caadi ahayn oo ka soo muuqday garoomadaas lagu ciyaaraayey kubada cagta . 

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada