DAAWO SAWIRADA:- Danjire Cali Ameeriko oo xabsiga ku booqday Soomaali dhibaateysan

DAAWO SAWIRADA:- Danjire Cali Ameeriko oo xabsiga ku booqday Soomaali dhibaateysan

daajis.com:-In ka badan 100 ruux oo muwaadiniin Soomaali ah ayaa ku xiran xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi halkaasoo ay ku jiraan mudo usbuuc ah.

Dadkan Soomaalida ah ayaa laga soo qabtay magaalada Nairobi waxaaa in ka badan labo toddobaad ay horey ugu soo xirnaayeen garoonka kubbada cagta lagu ciyaaro ee Kasarani, iyadoo kadibna loo wareejiyey xabsi ku yaalla garoonka diyaaradaha Nairobi.

Dadkan muwaadiniinta Soomaaliyeed ayaa waxaa ku jira haween, carruur iyo dad waayeelo ah, waxaana si arxan daran loogu hayaa goobo aan munaasab ku ahayn, waxayna dalbadeen in dalkooda dib loogu celiyo.

Danjiraha Dawlada Soomaaliya u jooga Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa xabsiga ku booqday dadkan oo hadda bilaabay inay cuntada ka soomaan, wuxuuna danjiruhu dadkan u sheegay in lo fulinayo codsigooda loona qaadayo dalkii hooyo.

Waxaa jira dad kalle oo Soomaali ah oo weli lagu hayo saldhigyada booliska, kuwaasoo xitaa markii la soo xiray aa dhanna loo dhaqaajin, waxayna dadkaasi iyaguna dalbanayaan in dalkooda loo qaado.

Ciidamada Kenya ayaa weli ka wada magaalooyinka dalkaasi hawlgalada ay ku beegsanayaan dadka ajnabiga ah gaar ahaan Soomaalida aan heysan sharciyada iyadoo dadka ka qaadanaya hantida ay heystaan iyo wixii agab ah kadibna xiraya.  






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada