Sargaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab iyo Ciidamo lasocday oo la xaqiijiyay in la dilay Meydadkoodana ay hayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada

Sargaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab iyo Ciidamo lasocday oo la xaqiijiyay in la dilay Meydadkoodana ay hayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada

daajis.com:-Wararka ka imaanaya Degmada Qoryooley ee Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in xalay Weerar qorsheesan ay duleedka Degmadaasi ku qaadeen Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku dileen Sargaal sare oo katirsanaa Al-Shabaab iyo qaar kamid ah ilaaladiisa.

Gudoomiyaha Degmada Qoryooley ee Dowlada Soomaaliya Cismaan Sheekh Cali Buraale ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in xalay Weerar ay Ciidamada Dowlaa iyo kuwa AMISOM ku qaadeen halka la yiraahdo Xero labaad kutaala Dleedka Qoryooley ku dileen Sargaal sare oo katirsan Al-Shabaab.

Gudoomiyaha waxa uu intaa raaciyay in Sargaalka la dilay uu ahaa Taliyihii Al-Shabaab ee Degmada Qoryooley , waxaana lala dilay sida uu xaqiijiyya lix nin oo katirsanaa ilaalada Sargaalkan katirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Dad kusugan Degmada Qoryooley ayaa Warbaahinta Muqdisho u xaqiijiyay in Degmada Qoryooley manta la keenay Meydka Sargaal katirsanaa Al-Shabaab oo qoorta laga jaray iyo rag kale oo iyana kamid ahaa Dagaalyahanada Al-Shabaab.

Meydadka ragan Shabaab katirsanaa ee la sheegay in la dilay ayaa lasoo tabinayaa in ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee xalay qaaday Howlgalka lagu dilay , mana jiro ilo kamadax banaan Maamulka Qoryooley oo Wrakaan si rasmi ah uga hadlay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada