Daawo Sawirada:- In kabadan 2- kun oo Qof oo ku dhintay Dalka Afgaanistaan kadib markii dhulka uu la go’ay

Daawo Sawirada:- In kabadan 2- kun oo Qof oo ku dhintay Dalka Afgaanistaan kadib markii dhulka uu la go’ay

daajis.com:-In kabadan 2,000 oo qof oo u dhashay Dalka Afgaanistaan ayaa loo maleenayaa in ay dhinteen kadib markii Shalay galinkii dambe uu dhulka la go’ay ayna duugmeen dhamaan guriyihii ay kunoolaayeen dadkaasi.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in Sababta ka dambeysa in dadkan uu dhulka la go’o ay tahay kadib markii Roobab Mahiigaan ah ay halkaasi ka da’een , waxaana hada socda Gurmad lagu soo saarayo Meydadka dadka dhulka ku duugmay.

Boqolaal qof oo dhintay ayaa lagu guuleestay in Meydadkooda banaanka loo soo saaro , waxaana Wali socda gurmad baaxad leh Gobolka Musiibadan ka dhacday Badakhshan oo kuyaala Waqooyi Bari Dalka Afqaanistaan.

Gudoomiyaha Gobolka Badakhshan ,Shah Waliullah Adeeb ayaa xaqiijiyay in wali aan laheyn raq iyo ruux in kabadan 2,000 oo qof kadib markii uu dhulka la go’ay dadkaasi , dadka dhintay ayaana u badnaa dad isku qoys ah oo dagnaa xaafada uu dhulku la dumay.

Sida Goob joogayaal laga soo xigtay Laba jeer ayaa dhulku go’ay muddo halsaac ah gudaheed, boqolaal guri ayaa dhulka ku xabaalmey, waxaana la sheegayaa in dhulka hoostiisa ay u galeen qiyaastii 100mitir oo joog hoose ah.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada