Muxuu Ka Yiri Giggs Guul Daradii Soo Gaartay Galabta?.

Muxuu Ka Yiri Giggs Guul Daradii Soo Gaartay Galabta?.

daajis.com:-Tababaraha ku meel gaar ka ah ee Man United Ryan Giggs ayaa ka hadlay guul daradii soo gaartay galabta kooxdiisa kadib markii ay Sunderland uga adkaatay 1-0 ciyaar ka dhacday Old Trafford.

Giggs ayaa sheegay inuu dareemayo niyad jab ku aadan natiijada ay kala hoyaadeen garoon kooda wuxuuna sheegay in xili ciyaareed kan ay aad u liiteen marka ay ku ciyaarayaan garoon kooda.
“Kulamada ay kooxdu ku ciyaarayso Old Trafford waxay dhibaato ku noqdeen kooxda, waana sababta koowaad ee keentay hoos u dhaceena xili ciyaareed kan, dhibco badan ayaan qasaarin anagoo ku ciyaarayna jamaahiirteena dhexdooda” ayuu u sheegay Giggs BBC Sport ciyaarta kadib.
“Waxaan dareemayaa niyad jab ku aadan natiijadaan, waxaa jiray qalad ku aadan qaab ciyaareed ka ciyaartoyda, mana ogi sababta,  lakiin waxaan u hanbalyaynayaa Sunderland qaab ciyaareed kii xooganaa ee ay soo muujiyeen”.

“Sunderland waa koox awood badan waxayna ku jiraan qaab ciyaareed fiican, waxay sameeyeen fursado badan oo ay goolal ku dhalin kareen, lakiin ciyaartoyda Man United waxay awoodi waayeen inay qatar badan ku abuuraan goolka Sunderlnad”.
Giggs ayaa diiday inuu ka hadlo mustaqbal kiisa mar wax laga waydiiyay wuxuuna sheegay inuu xooga saari doono sidii uu ku guulaysan lahaa kulanka u haray.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada