Man City Oo Ugu Danbayntii Qabatay Hogaanka Horyaalka Kadib Guul Ay Ka Gaartay Everton.

Man City Oo Ugu Danbayntii Qabatay Hogaanka Horyaalka Kadib Guul Ay Ka Gaartay Everton.

daajis.com:-Man City ayaa ugu danbayntii la wareegtay hogaanka horyaalka oo ay ka maqneed mudo badan kadib guul ciriiri ah oo ay ka gaartay kooxda Everton oo ay marti u ahayd, City ayaa guushaan uga mahed celinaysa Edin Dzeko oo laba gool u dhaliyay.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay si dar dar leh iyadoo labada kooxoodba ay ka go,need guul oo kaliya, 11 daqiiqo Barkley ayaa hogaanka u dhiibay kooxdiisa Everton kadib markii uu si xoogan u shuuday kubad uu ka helay Naismith isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0.
14 daqiiqo Nasri ayaa kubad u dhigay Yaya Toure lakiin gool haye Howard ayaa ka badbaadiyay, 22 daqiiqo Aguero ayaa u soo bar bareeyay Man City kadib markii uu si xariifnimo leh u dabamariyay gool haye Howard kubad uu ka helay saaxiib kiis Yaya Toure isagoo ciyaarta ka dhigay 1-1.
28 daqiiqo Aguero ayaa laga saaray ciyaarta kadib markii uu awoodi waayay inuu dhamaystirto dhaawac soo gaaray awgiis waxaana soo galay badal kiisa Fernandinho.
43 daqiiqo Dzeko ayaa hogaanka u dhiibay Man City kadib makii uu madax ku dhaliyay kubad uu soo qaaday Milner wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-2, qaybtii hore ayaana ku soo idlaatay 1-2 oo ay hogaanka ku hayso Man City.
Qaybtii danbe City oo ay ka go,need guul ayaa durbaba ku soo gashay dar dar, 3 daqiiqo kadib Dzeko ayaa hogaanka u sii dheereeyay kooxdiisa kadib markii uu shabaqa ku hubsaday kubad uu ka helay Samir Nasri isagoo ciyaarta ka dhigay 1-3.
65 daqiiqo Lukaku ayaa gool u soo celiyay Everton kadib markii uu madax ku dhaliyay kubad habaysan oo uu soo qaaday Baines isagoo ciyaarta ka dhigay 2-3, 72 daqiiqo Zabaleta ayaa u soo dhawaaday inuu u sii dheereeyo Man City hogaanka lakiin  gool haye Howard ayaa ka tufay kubadii uu ku soo shuuday.
Garsooraha ayaa ku daray ciyaarta 6 daqiiqo, Silva ayaa u soo dhawaaday inuu gool u dhaliyo City lakiin kubadiisa difaacyada Everton ayaa banaanka isaga saaray.
Ciyaarta ayaa ku soo idlaatay 2-3 oo ay guushu ku raacday kooxda Man City oo sidaas kula wareegtay hogaanka horyaalka iyadoo gool dhalin uga haysa Liverpool.






FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada