Daawo Sawirada:- iyo Faah-faahin: Qaraxyadii ka dhacay Nairobi oo galaaftay illaa 80 qof

Daawo Sawirada:- iyo Faah-faahin: Qaraxyadii ka dhacay Nairobi oo galaaftay illaa 80 qof

daajis.com:-Wararkii ugu dambeeyay ee aan kasoo xigana wariyaha Caasimada Online ayaa sheegaya in tirada ku dhimmatay labo qarax oo ka dhacay Nairobi ay korartay.


Ugu yaraan 10 qof ayaa la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen halka dad kor u dhaafaya 70 ay dhaawacyihiin kuwaasoo loo qaaday Isbitaalo kala duwan.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhex qarxay Bas noona Matootuuga loo yaqaano kaasoo qaada 14 ruux, halka qaraxa labaad uu ka dhacay gudaaha Suuqa Gikomba oo ah suuqa aad u camiran.

Haddii aan sharaxaad ka bixino suuqa Gikomba ayaa caan ku ah in la keeno alaabaha soo celiska waxaana looga yimaadaa dalka oo dhan.

Wuxuu suuqan ku yaalla Xaafadda Islii oo Soomaali badan ku nool yihiin kuna ganacsadaan, tiiyoo jirtay in Soomaali badan laga qabqabtay halkaas dhowrkii cisho ee la soo dhaafay.

Dhinaca kale, booliska ayaa gacanta ku dhigay labo qof oo lagu tuhun san yahay in ay ka dambeeyeey qaraxyada oo ah kuwa macmal ah oo guryaha lagu sameeyo.

Ma sheegin booliska labada qof ee la qabtay dalka ay u dhasheen, waxaana qasan dhammaan goobta qarxyada ay ka dhaceyn oo boolis badan ayaa jooga.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo khudbad ka jeedinaayay Aqalka Madaxtooyada ayaa loo sheegay qaraxa ka dhacay Suuqa Gikomb, wuxuuna caafimaad u rajeeyay dadka dhaawacmay.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay qaraxyada ka dhacay Nairobi, balse waxaa loo maleenayaa in ay ka dambeeyaan kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya kuwaasoo wacad ku maray in Kenya ay ka aarsan doonaan maadama ay ciidamo u soo dirtay Soomaaliya.







xigasho:- Caasimada.com FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada